Wararka laga helayo dalka Sacuudiga ayaa sheegaya in laba Amiir oo ka mida Qoyska Aala-sacuud ee ka taliya Boqortooyada Sacuudiga la xiray, iyadoo lagu eedeeyay khiyaano-qaran.
Wararki ugu horeeyay ayaa sheegaya in la xiray Amiir la dhashay Boqorka talada haya oo lagu magacaabo Axmed Bin C/casiis oo lagu tilmaamo ninka ugu awooda badnaa ee ka haray Reer C/casiis marka laga reebo Boqorka talada haya ee Salmaan iyo Dhaxal-sugihii hore ee Sacuudiga Mohamed Bin Naa’if.
Ninka la dhashay Boqorka Sacuudiga Axmed Bin C/casiis ayaa loo arkaa inuu ahaa qofka iska ilaalin jiray Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman, waxaana warku sheegayaa in Jimcihii ay xireen ciidamada ilaalada Boqortooyada oo labada Amiir kala baxay gurigooda, kadib markii ay baareen, waxayna ahaayeen labada mas’uul ee ugu heer sareeya Boqortooyada Sacuudiga.
Waxaa kaloo wararku sheegayaan in sidoo kale la xiray Amiiro kale oo ka mida Qoyska Boqortooyada Sacuudiga sida Amiir Nawaf Bin Na’if oo la dhashay dhaxal-sugihii hore ee la xiray iyo qaar kale oo xilal sare ka hayey Boqortooyada, waxaana faahfaahin dheeraad ah kasoo baxeysaa xiisad ka taagan Qoyska u taliya Sacuudiga.