Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo socdaal ku tegay dalka Sucuudiga ayaa heshiis dhanka maalgashiga iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha la saxiixdey Maal-qabeenka kasoo jeeda qoyska Boqortooyada Sucuudiga oo lagu magacaabo Amiir Suldaan bin Naasir bin Cabdicasiis Aala Sucuud.
Heshiiska waxaa ka mida dhismaha Deked laga dhisi doono degaanka Garacad ee Gobolka Mudug, waddo laami ah oo isku xireysa Garacad iyo Galdogob, iyo weliba dhismaha Garoonka Diyaaradaha magaalada Gaalkacyo.
Waxaa kaloo amiirku ogolaaday inuu maal-gashada Wershado kalluunka farsameeya oo laga hirgelinayo degaanada xeebaha Puntland sida ay shaacisay madaxtooyada Puntland.
DAAWO SAWIRRO
Wadani.com