Saxaafadda Mareykanka ayaa kashiftay cidda xaqiiqada ah ee iibsatay Loox farshaxan ah oo uu sameeyay nin farshaxanka reer Talyaani ee caan ah oo lagu magacaabo Leonardo da Vinci.
Looxdan “Salvator Mundi” ayaa lagu iibsaday qiimihii ugu badnaa dunida ee loox lagu gato kaasoo gaaray 450.3 Milyan oo Doolar, waxaana wargeyska New York Times uu shaaciyay inuu iibsaday amiir aan la aqoon ka mida qoyska reer Boqor ee Sacuudiga, kaasoo lagu magacaabo Bader Bin C/llaahi Bin Maxamed Bin Farhan Al-sacud, wuxuunaoo saaxiib dhow la ah ninka leh dhaxalka Sacuudiga Maxamed Bin Salman.
Iibka Looxdan ayaan kaliya dunida ka dhalin la yaab kadib markii ay noqotay tan ugu qiime sareysa ee abid la iibsado, laakiin waxaa la yaab noqotay in qof ka mida qoyska reer Boqor ee Sacuudiga uu lacag intaas la eg ku bixiyo sawirka looxda ku xardhan oo ah sawir muujinaya astaan diinta masiixiga ee aamisan inuu Alle yahay saddex.
Jariirada Wall Street Journal ayaa ayaa xaaladda sii qarxiyay markii uu kasoo xigtay saraakiil ka tirsan CIA-da Mareykanka in qofka rasmiga ah ee iibsaday Looxdaasi uu yahay ninka leh dhaxalka Boqortooyada Sacuudiga ee Maxamed Bin Salman, balse uu wakiil ahhaan u adeegsaday magaca amiirkan Bader oo ay saaxiibo yihiin.
Suuq furan ayaa lagu iibiyay looxdan magaalada New York ee dalka Mareyanka iyadoo taarkiikhda ku gashay inay noqotay tii ugu qaalisaeyd taariikhda, waxaana la sheegay in la dhigi doono Maxtaf ku yaalla dalka Imaaraadka Carabta.
In loox farshaxan sameeyay uu Dhaxal-sugaha Sacuudiga ku iibsado lacag ka badan 450 Milyan oo doolar, xilli uu wado olole uu kula dagaalamayo musuqa Sacuudiga, una xirxirtay amiiro iyo mas’uuliyiin badan ayaa dad badan su’aalo la keeneen, waxayna arrintan qabsatay baraha bulshada dalalka Carabta oo si weyn loogu faaqiday.