Hoggaanka sare ee Alshabaab ayaa bayaan culus kasoo saaray go’aankii madaxweynaha Mareykanka ugu aqoonsaday magaalada Qudus caasimadda Israa’iil.
Bayaanka oo ka koobnaa saddex bog oo af carabi ku qoran waxaa cinwaan looga dhigay “Kulanku waa Beytul Maqdas”, wuxuuna ka koobnaa aayado iyo axaadiis, iyadoo amiirka Alshabaab uu sheegay inaysan kedis ku noqon hadalka kasoo yeeray Trump iyo ku dhawaaqistii uu ku sheegay in Qudus –ta muslimadda ah ay tahay caasimadda banii Sahyuun.
Amiirka Alshabaab ayaa bayaankiisa ku sheegay in Yahuudda iyo Nasaarada ay yihiin caddow soo jireen oo ay Muslimiintu leeyihiin, loolanka kala dhexeeya Umadana Muslimka ah uusan joogsan doonin abidkiis, taas ay tahay waxa ay Mujaahidiintu hubka u qaateen si Yahuudda iyo Nasaarada looga soo difaaco dhulalka Muslimiinta ee ay horarka ku yihiin.
فإن بيت املقدس هي قبلة املجاهدين ال يحيدون عنها وال يبيعونها بثمن بخس حتى يأذن هللا بالفتح وعمران هو الوعد، وحتى ذلك الحين فلن نقيل ولن نستقيل حتى يراه املسلمون واقعا أمام مرأى أعينهم أو نهلك دونه!
HOOS KA AKHRISO BAYAANKA
[pdf-embedder url=”https://wadani.com/wp-content/uploads/2017/12/Bayaan-ku-saabsan-Aqsa.pdf” title=”Bayaan ku saabsan Aqsa”]