Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Jubaland»AMIIRKA ALSHABAB: “”Reer Muqdisho waa inay ogaadaan Mareykanku ku jiro aargoosi” [Farriin]

    AMIIRKA ALSHABAB: “”Reer Muqdisho waa inay ogaadaan Mareykanku ku jiro aargoosi” [Farriin]

    September 1, 20172 Mins Read Jubaland
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kooxda Alshabaab ayaa baahisay farriin cod ah oo uu soo dirya Amiirka guud  ee Alshabaab Sheekh Axmad Cumar Abu Cubaydah.

    Farriintan oo ahayd tii labaad ee Amiirka uu jeediyo tan iyo intii uu qabtay hoggaanka ururka ayuu uga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin dagaalka ka socda Soomaaliya, AMISOM iyo qorshaha Mareykanka ee Soomaaliya, isagoo dagaalamayaashiisa Bariga Afrika ugu baaqay inay sii wadaan jihaadka oo sabraan sida uu yiri.
    Farriinta Sheekh Abu Cubayda oo  uu ku jeediyay Soomaali ayaa lagu turjumay Luqadaha English-ka iyo Sawaaxiliga isagoo ku bilaabay duullaanka ay ciidamada shisheeye kusoo qaadeen dalka Soomaaliya iyo xasuuqii ciidanka Mareykanka ay dhawaan ka geysteen deegaanka Bariise ee gobolka Sh/Hoose.

    Fariinta Amiirka Alshabaab oo cinwaan looga dhigay [ وعد الله لا يخلف الله وعده ] oo socotay muddo 27 daqiiqo ayaa Amiirka Alshabaab wuxuu sheegay in kale duullaanka Mareykanka iyo AMISOM ee Soomaaliya uu 10 sano jirsaday.

    Wuxuu ka hadlay weerarkii dhowaan ka dhacay degaanka Bariire, taasoo muujineysa in farriin xilli dhow la duubay, isagoo yiri:

    “Reer Muqdisho waa in ay ogaadaan Mareykanku in uu ku jiro aargoosi salka ku hayo jabkii ka gaaray Soomaaliya, Wuxuuna u hamuun qabaa xasuuqa Umaddan, waxaana deeqi waayey kumanaankii ay diyaaradihiisu ku laayeen xaafadaha Muqdisho.Reer Muqdisho waxaan leenahay waan idiinla dareemeynaa culeyska la idinku hayo, waxa loo dan leeyahayna waa in la idiin gumeeyo ee gunta dhiisha isaga dhiga, Allaah gargaar weydiista, Wiilashiina Mujaahidiinta ah wey idiin garab taagan yihiin ee gacan siiya si aan gumeysiga gaalada isaga dulqaadno”

    Farriintan  ayaa lagu soo beegay munaasbadda Ciidul Adxaa oo Alshabaab ay si weyn  ugu dabaaldegeen maanta meelo badan oo ay ka taliyaan.

    https://openload.co/f/3jGPEkoAVAw/Wacd_Abu_Cubeyda.mp4
    Abuu Cubeyda Alshabaab Farriinta Amiirka Alshabaab Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWAR CUSUB: Cali C/llaahi Cosoble oo loo caleemo saaray Dowlad Goboleed cusub [Sawirro]
    Next Article KASHIFAAD: Ololaha Qarsoon ee Madaxtooyada Soomaaliya ku bedeleyso Kiiska C/kariin Qalbidhagax [Akhri]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo