Amiirka dalka Qatar ayaa ka baaqsaday ka qeybgalka shir madaxeedka 29aad ee dalalka Jaamacadda Carabta oo ka dhacay dalka Sacuudiga.
Shirkan oo ay marti gelineyso Boqortooyada Sacuudaga ayaa waxaa dowladda Qatar u metelaya Safiirka u fadhiya Jaamacadda Carabta iyo dalka Masar Saif Bin Muqadam Albuweyni.
Arrintan ayaa salka ku heysa xiriirka liita ee dalka Qatar kala dhaxeeya isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka oo xayiraad dhinac waliba ah ku soo rogay sanadkii hore, kuna eedeeyay inay taageerto argagixisada.
Inta badan dalalka Jaamacadda Carabta ee 22-ka ah waxaa shirka ku metelaya madaxweynayaasha dalalkaasi, iyadoo uu Amiirka Qatar Tamiin Bin Xamad uu Sabtidii kasoo laabtay socdaal uu ku tegay dalka Mareykanka.