Amiirka dalka Qatar ayaa taleefanka kula xiriiray dhaxal-sugaha boqortooyada Sucuudiga si uu ugala hadlo dhibaatada soo foodsaartay xiriirkii ka dhaxeeyay labadooda dal taas oo qaadatay muddo dhowr bilood ah.
Wadahadalka telefoonka ku dhexmaray Amiirka Qatar, Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani iyo dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee ay si rasmi ah u yeeshaan tan iyo markii xiisadda diblomaasiyadeed ay ka dhex billaabatay xukuumadaha Dooxa iyo Riyaadh.
Tallaabadan ayaa looga gol lahaa in lagu xalliyo xiisadda taagnayd muddada saddexda bilood ah, iyadoo lagu soo warramayo in Amiirka Qatar uu ogolaaday in wadaxaajood uu ka galo dalabyada ay usoo jeediyeen xulafada Sacuudiga.
Haseyeeshee waxaa muran horleh uu ka dhashay cidda samaysay wicitaanka, iyadoo warbaahinta Sacuudiga ay ku warramayso in Amiirka Qatar uu soo wacay dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan.
Wakaalada wararka Qatar ayaa sheegtay in wadahadalka uu yimid kadib markii uu madaxweynaha Mareykanka Donad Trump ka shaqeeeyay, kana dalbaday Amiirka Qatar inuu wado dhaxal-sugaha Sacuudiga.
Saacado kadib Sacuudiga ayaa ku eedeeyay Qatar inay ka been sheegtay xaqiiqada wadahadalka dhexmaray labada mas’uul, waxaana Sacuudigu ku dhawaaqay inuu hakinayo wada-xaajoodka, iyadoo Qatar ku eedeeyay inaysan xusin in wadahadalka iyo xiriirka uu lahaa amiirka Qatar.
Arrimaha ay labada dhinac ka wadahadleen ayaa waxaa ka mid ah in xallinta khilaafka loo saaro laba ergay oo kala matalaya dhinacyada, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dowladda Qatar.