Xukuumadda Sucuudiga ayaa qaaday olole musuqmaasuqa lagula dagaalamayo, waxaana ololahaa lagu soo xiray toban Amiir oo ay ku jiraan wasiirro sar sare iyo sidoo kale tobanaan wasiiro hore ahaan jiray.
Dhaxal sugaha boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan, oo gudoomiye u ah guddi cusub oo la dagaalanka musuqmaasuqa loo xil saaray ayaad moodaa inuu gacan bidixaynayo ragga ka soo horjeeda.
Xilka qaadistan ayaa saameyn ku yeelatay 11 Wasiir iyo dhaxal sugayaal oo xarig iyo xil-ka qaadis la isugu daray, waxaana wareegto uu soo saaray Boqor Salmaan ay xaalad cabsi leh ka dhalisay Sacuudiga.
Ms’uuliyiinta xilka laga qaaday waxaa ka mida: Madaxii Ciidamada Ilaalada Qaranka Boqortooyada Matiib Bin Cabdalla, Wasiirka dhaqaalaha iyo Qorsheynta Caadil Faqiih iyo Taliyaha Ciidanka Badda Cabdalla Al-Suldaan.
Waxaa kaloo la xirxiray xubno ka tirsanaa boqortooyada Sucuudiga, waxaana arrintan ka dambeeyay dhaxal sugaha uu dhalay Boqor Salmaan ee lagu magacaabo Maxamed bin Salmaan.