Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in AMISOM ay ciidamo ilaaliya u direyso Guddoomyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh.
Kulan xarunta xalane ku dhex maray saraakiisha iyo madaxda Midowga Africa ee Soomaaliya looga hadlay xaalada ka dhalatay guddoomiyaha Baaralmaanka oo kasoo guuray Madaxtooyada, isla markaana soo degy hotel ku yaala agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
AMISOM oo waajibaadkeeda ay ka mid yihiin ilaalinta Amniga Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xaalad adag kasoo wajahday guddoomiyaha Baarlamaanka ee ka guuray madaxtooyada, waxayna hadda ku qasban yihiin inay ciidamado u diraan dhismaha hotelka Shabeel oo ah dhisme caadi ah oo ka baxsan xarumahooda.