Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in duqeyn ay ku qaadeen degaanka Janaale ay ku dileen dad rayid ah.
Wararka laga helayo Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in madaafiic ay tuureen Ciidamada AMISOM ay ku habsatay qoys ka koobnaa 8 Ruux ay Lix kamid ah Qoyskaasi uu ay ku dhinteen laba kalena ku dhaawaceen.
Qoyskan ayaa deganaa tuulada Faranga oo u dhow degaanka Janaale. Guddoomiyaha Degaanka Shalaanbood Nuur Cismaan Raage ayaa sheegay in Madfaca ay rideen Ciidamada AMISOM islamarkaana uu ku habsaday Qoyska ka Koobnaa 8 Ruux oo Lix kamid ah ay Goobta ku dhinteen,halka Labada kale uu Dhaawac Halis ah soo gaaray.
AMISOM ayaan weli ka hadlin arrintan oo noqoneysa tacadi kale oo ay ka geystay Gobolka Shabeelaha Hoose.
Wadani.com