Ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa duqeyn xoog leh oo madaafiic loo adeegsanayo ka wada Tuulooyin Hoosyimaada Degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha.
Degaanada duqeyntu ka socoto ayaa waxaa ka mida Kaaytooy, Afbanaane iyo Garsiine. Madaafiicda ayaa la sheegay in lala beegsanayo Fariisimo Shabaab ay ku leeyihiin Tuulooyinkaasi.
Guddoomiyaha Degaanka Shalaanbood Nuur Cismaan Raage ayaa sheegay in Madaafiicda lala beegsaday Xerooyinka AlShabaab islamarkaana Madaafiicdaasi ay qeyb ka tahay Howlgal Gobolka Shabeelaha hoose laga bilaabay.
Dadkii Rayidka ahaa ee ku noolaa inta u dhexeeyasa Buufoow iyo Janaale ayaa la soo weriyay inay ka barakaceen Madaafiicda lagu garaacayo degaanadaasi.
Wadani.com