AMISOM ayaa joojisay muddo 5 maalmood dhammaan wixii shaqo iyo dhaqdhaqaaq ah ee ka socday degaanka xalane ee ku qabsan garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay AMISOM ayaa lagu amray dhammaan shirkadaha iyo shaqsiyaadka ka howlgala Xalane inay shaqadii la la joojiyay maalmaha 9-13, November 2017-ka, iyadoo amarro culus oo dhinaca amniga ah laga soo saaray.
Amarrada AMISOM soo saartay waxaa ka mida:
- In baaritaan xagga ammaanka la xiriira ka sameyn-doonto xerada shant amaalmood ee l xiray, iyada oo la adeegsan-doono tillaabooyin dheeraad ah sida Bandow la soo rogo, Eeyo wax baara iyo isbaarooyin ama Checkpoints.
- Dhammaan dadka halkaasi u shaqo-tagi jiray waxaa loo sheegayaa in ay u hoggaansamaan xayiraadda, waxaa kale oo Xerada Xalane laga mamnuucay shaqada dhismaha, ganacsiga, dhaqista gawaarida iyo dukaameysiga iwm.
Maalmahahowlaha ammaanka socdaan waxaa safaaradaha, shaqaalaha Ajaanibta, qandaraaslayaasha, shirkadaha, dukaanleyda lagu war-gelinayaa:
- Inay xisaabiyaan gawaarida (yar iyo weyn) ee ku jira gudaha Xerada, sidoo kale waa in gawaarida taarkada cusub lagu dhaji-yaa sanadka 2018-ka.
- Shirkadaha waa in ay keenaan xogta ugu dambeysay ee shaqaalaha maxaliga iyo kuwa caalamiga ah iyada oo la soo raacinayo shahaadada (good of conduct) dalalka ay ka soo jeedaan
- Hotellada Waa in ay soo gudbiyaan liiska macaamiisha, qolalka ay degan yihiin iyo wax ay qabtaan si maalinle ah.
- Waa in AMISOM loo ogolaado in ay baarto guryaha iyo dhammaan dhismayaasha iyada oo la adeegsanayo Eeyaha qaraxyada baara si hubka iyo waxyaalaha qarxa ee qarsoon loogu raadiyo.
- Waa in la joojiyaa dhammaan wixii shaqo inta bandowga socda xittaa haddii horay loo sii ballansanaa.
- Cadeyn ka keen Unifomka, IDyada iyo qandaraaska kaas oo laga arki karo magaca shirkadda si loogu dabagelo dhib la’aan.
- Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Kaamka ka dhex-sahaqeeya waa in ay soo gudbiyaan liiska hubkooda iyo licences-ka lagu diiwaangeliyay, waxaa laga soo qaadaa dowladda federaalka ah.
Arrintan ayaa ka danbeysan digniin dhinaca ammaanka ah oo ku wajahan Garoonka Muqdisho oo uu hore u soo saaray Mareykanka.
AKHRISO QORAALKA