Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Tuesday, July 1
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»AMISOM oo Muqdisho ka furtay Shirka Hay’adaha Sirdoonka Ajbaniga ee ka howlgalla Magaalada Muqdisho [Sawirro]

    AMISOM oo Muqdisho ka furtay Shirka Hay’adaha Sirdoonka Ajbaniga ee ka howlgalla Magaalada Muqdisho [Sawirro]

    March 20, 20183 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Shirkii saddexaad ee Sirdoonka iyo Is-dhaafsiga Macluumaadka, oo looga gol lahaa in lagu xoojiyo wada shaqaynta ka dhaxeysa hay’adaha sirdoonka ee kala duwan ee ku sugan Soomaaliya, ayaa shalay ka furmay caasimadda Muqdisho.

    Taliye ku xigeenka Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Sarreeye Gaas Charles Tai Gituai ayaa u ol’oleylanaya in ay hay’adaha sirdoonka ay la yimaadaan habab la isku dhaafsado sirdoonka si sare loo qaado natiijooyinka.

    “Xogta waa in la aruuriyaa loona adeegsadaa qaab xaqiijinayo hufnaan dhinaca howlgallada iyadoo aan halis la carqaladeyneyn xalaalnimada iyo caddaaladda lagama maarmaanka u ah howlgalka nabadda si uu si wax ku ool ah u guto howshiisa,” ayuu hadalkiisa ku furtay Sarreeye Gaas Gituai.

    Shirka waxa lagu eegi doonaa sida loo heli karo ilaha macluumaadka ee aan rasmiga ahayn, waxaa looga hadli doonaa xoojinta wadaagista iyo is-dhaafsiga sirdoonka, iyo khatarta cusub ee ka imaanaysa kooxda argagixisada Al-Shabaab, xilli ay awoodda maleeshiyada wiiqeen weerarrada kaga imaanayo Dowladda Federaalka ah, Midowga Afrika, iyo ciidamada bah-wadaagta ah.

    “Sirdoonka aad ayuu muhiim ugu yahay howlgalka nabadda, si ay u siiyaan dadka go’aannada gaaro wacyi ku aaddan xaaladda, iyada oo loo marayo falanqeyn abaabushan ee xogta oo ay sameeyaan qaybaha kala duwan ee howlgalka,” ayuu Sarreeye Gaas Gituai u sheegay ka qayb-galayaasha shirka saddexaad ee wadaagista macluumaadka. Ka qayb-galayaasha waxaa ay isugu jiraan saraakiisha sirdoonka ah oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee AMISOM, ciidamada ammaanka ee Soomaaliyeed iyo bah-wadaagta muhiimka ah ee ammaanka caalimiga.

    Waxaa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay “nidaamyada hufan iyo qaab-dhismeedka,” kuwaas oo xaqiijin doona in macluumaadka la uruuriyay loo wadaago loona kaydiyo si ammaan ah, kaas oo faa’iido u leh dhammaan dhinacyada kala duwan ee ku lug leh.

    Taliye ku Xigeenka Ciidamada ayaa uga digay ka qayb-galayaasha in ay si weyn ugu tiirsanaadaan kaliya tirada xogta, isagoo ku dooday in tiro badnida macluumaadka ay mararka qaarkood carqalad ku noqon karaan turjumidda saxda ah ee xogta. “Xaaladda hadda aaan ku sugannahay, waxaa ay tahay in arrant su’aasha mudan aysan ahayn in ay tahay in sirdoonka la wadaago, balse waxa ay tahay sidee, goormaa iyo heer intee la’eg ayaa la wadaagi karaa,” ayuu ka yiri shirka.

    “Waxaa qayb ka ah waxyaabaha mudnaanta u ah wadaagista sirdoonka/xogta waa in la fududeeyo, la ogaado, laga hortago lagana falceliyo khatarta iyo halista la xidhiidha argagixisada kuwaas oo loo sameeyo hab hufan oo sidoo kale faa’iido u ah hay’adaha, meelaha ay ka socdaan howlgallada, hay’adaha maxalliga ah si loo taageero dadaallada wax looga qabanayo amniga iyo khatarta.”

    Shirka waxaa gacan geystay Kooxda Howlgalka Taageerada ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMST), waxaana looga gol leeyahay kor u qaadista hannaanka iyo isku-duwidda is-dhaafsiga macluumaadka ee ka dhaxeeya kooxaha kala duwan, iyada oo diiradda la saarayo wadaagista sirdoonka, oo kaalin muhiim ah ka ciyaartay ka hortagga weerarada argagixiso.

    Sarkaalka Madaxa Sirdoonka Ciidanka AMISOM Gaashaanle Naboth Mwesigwa ayaa sheegay in shirka uu “Xoojin doono uruurinta sirdoonka” iyada oo uu gacan ka geysan doono qaabeynta awooda dhinaca difaaca iyo howlgallada, iyada oo isla markana dhisayo kalsoonida iyo xidhiidhka bah-wadaagta iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

    2018_03_19_Info_Sharing_Conference-72018_03_19_Info_Sharing_Conference-62018_03_19_Info_Sharing_Conference-42018_03_19_Info_Sharing_Conference-102018_03_19_Info_Sharing_Conference-12018_03_19_Info_Sharing_Conference-92018_03_19_Info_Sharing_Conference-52018_03_19_Info_Sharing_Conference-82018_03_19_Info_Sharing_Conference-22018_03_19_Info_Sharing_Conference-3
    AMISOM CIA MI5 Muqdisho
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweynaha Turkiga oo Digniin culus u diray Jabhada Kurdiyiinta ee Waqooyiga Suuriya
    Next Article Xildhibaan Daahir Jeesow oo si weyn u weerarray Wakiilka Q/Midoobay iyo Beesha Caalamka

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo