Howlgalka Midowga Afrika ee Somalia ee Amisom ayaa xaqiijiyey in shan ka mid ah askarteeda maalintii Axaddii loogu xiray magaalada Muqdisho, iyadoo lagu tuhmayo inay iibinayeen qaar ka mid ah agabka milatari ee ciidanka.
War qoraal ah oo kasoo baxay Anisom ayaa lagu sheegay in askartan lagu xiray howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Amisom iyo Booliska Soomaaliya, kadib baaritaan muddo lagu hayey arrintan.
“Amisom waxa ay horey u heshay akhbaar ku saabsan in askartan ay ku lug lahaayeen dhaqdhaqaaqyo sharci darro, baaritaan degdeg ah ayay ku sameysay arrintan, waxayna ayada oo kaashaneysa Booliska Soomaaliya ay si deg deg ah u xireen askartan” ayaa lagu yiri qoraalka.
Waxyaabaha skarta lagu qabtay ee ay iibinayeen ayaa waxaa ka mid ah shidaal iyo jawaanno carro ah. Amisom waxa ay sheegtay inaysan u dulqaadan doonin in shaqaalaheeda ay u dhaqmaan si aan xirfadeysneyn, isla markaana qof kasta oo lagu helo arrintaas lagu soo oogi doono dacwad.
Hore ayay AMISOM u inkirtay arrintan iyadoo shaki ka muujisay wararka ku saabsan in la xiray askar ka tirsan ciidamada AMISOM.
Wadani.com