Ciidamada AMISOM ayaa sheegtay inay dileen ku dhowaad 100 maleeshiyo oo ka tirsan kooxda Alshabaab dagaalka ay kula jiraan kooxdani ee ka socda Goboka Hiiraan. Taliye u hadlay Ciidamada Qeybta afraad ee AMISOM C/raxmaan Dhimbis ayaa sheegay inay hawlgalo balaaran ku qaadeen maalmihii u dambeeyey degaano katirsan Gobalka Hiraan iyagoo dilay in ka badan 98 xubnood oo ka tirsan Alshabaab.
Taliyuhu wuxuu sheegay in howlgalka ay ka wadaan Gobalka Hiraan ay kula wareegeen degaano dhowr ah oo ay ka mid yihiin Buq-Aqable, Halgan, Moqokori iyo deegaano kale oo dagaalyahanada Shabaab ku sugnaayeen, iyadoo gebi ahaan laga saaray Alshabaab.
Wuxuu intaasi ku daray Col. Cumar Dhimbis inay weli sii baacsanayaan haraadiga kooxda Alshabaab, ayna kala wareegeen inta badan degaanadii ay kaga sugnaayeen Gobalka Hiraan oo ay doonayaan inay isku furaan magaalooyinka B/weyne iyo B/burte.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]