AMISOM ayaa sheegtay in 10 maleeshiyo oo dooneysay inay weerar ku galaan saldhigga ciidamada Jabuuti kadib qarixii is-miidaaminta ahaa ee lagu qaaday saldhiga Galbeedka magaalada Beledweyne.
Qaraxa oo lagu geystay Gaari xamuul oo nooca Waaraadka loo yaqaan ah ayaa qasaare weyn u geysta agagaarkii saldhigga, waxaana AMISOM ay sheegatay in 10 ka mida dagaalyahanadda Alshabaab oo qaraxa ka dib isku dayay inay galaan xerada dhammaantood la toogtay.
Warka AMISOM waxaa beeniyay Alshabaab oo sheegtay inaysan jirin wax dagaalyahanno ah oo qaraxa ka danbeeyay, waxayna ku adkeysteen in howlgalkoodu uu ku koobnaa Qarax is-miidaamin ah.
Dadka ka ag dhowaa xerada ciidamada Jabuuti ayaa laga soo xigtay inay ka war heynin maleeshiyo weerar ku qaaday weerarka oo ay maqleen qarax aad u weynaa wixii ka danbeeyayna ay ahaayeen rasaas hal dhinac ka dhaceysay oo ay ridayeen ciidamada Jabuuti.
https://twitter.com/amisomsomalia/status/790871648253644800
Wadani.com