AMISOM ayaa war la yaab leh kasoo saartay askar ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya oo ay xabsiga dhigeen hay’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya, kadib markii la qabtay iyagoo faraha kula jira iibinta agab ciidan oo isugu jira shidaal, qalabka baabuurta iyo qalab dhismaha difaaca laga dhiso.
War lagu qoray barta twitter-ka ee AMISOM ayaa lagu sheegay in AMISOM ay ka war heshay eedeymaha laga baraha bulshada lagu faafiyay ee lagu eedeeyay ciidamadeeda in la qabtay iyagoo iibinaya qalabkooda. Warkan ayay AMISOM dusha u saartay baraha bulshada iyadoo la og yahay in madaxda dowladda Soomaaliya ay si cad uga hadleen arrintan.
War kale oo daqiiqado kadib ka soo baxay AMISOM ayaa haddana lagu sheegay in AMISOM ay xiriir toos ah la leedahay Booliska Soomaaliya si ay u xaqiiqada uga sal gaarto wararka la faafiyay, ayna faahfaahin ka bixin doonaan xaqiiqada arrintan.
https://twitter.com/amisomsomalia/status/739527232004198400
Wadani.com