Warsaxaafadeed kasoo baxay AMISOM ayaa lagu beeniyay warar ay warbaahinta faafiyeen oo ku saabsan in ciidamada AMISOM ay dad shacab ah ku dileen magaalada Marka ee Gobolka Sh/Hoose, iyadoo AMISOM si kulul waxba kama jiraan uga dhigatay wararkaasi.
War-saxaafadeedka AMISOM wuxuu faahfaahin ka bixiyay sida ay wax u dhaceen Saaka saacadu markay ahayd 8:45 iyadoo sheegtay in ciidamo ka tirsan AMISOM oo roondo caadi ah ku jiray ay dul tageen xarun tababar oo Alshabab ku leeyihiin degaanka Jaajuumo oo ku dhow xaafada Ceel Hindi ee magaalada Marka. Goobtaas ayay sheegtay in kooxda argagixisada ah ay rasaas is weydaarsadeen halkaasina lagu dilay shan maleeshiyo oo Alshabab ka tirsan, waxaana dadka dhintay ka mida sida AMISOM sheegtay hogaamiyihii kooxdaas Maxamed Daahir.
AMISOM waxay kaloo sheegtay in xaruntaasi laga helay laba qori, waxyaabo qarxa iyo Calanka Alshabaab. Waxayna AMISOM ku dooday inay ciidameeda ku dhaqmayaan sharciga caalamiga ah ee dunida u yaala ayna waajib ka saaran tahay ciidamadeeda inay iska ilaaliyaan waxyeelada shacabka. Waxayna si weyn u cambaareysay eedeynta AMISOM loo jeediyay ee ah inay dad rayid ah leysay.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]