Xaaladda Amniga magaalada Beledweyne ayaa sii xumaaneysa iyadoo ay muddooyinkii ugu dambeeyay ka dhaceen falal lagu dilay waxgarad iyo saraakiil ka tirsa ciidamada.
Koox hubeysan ayaa xalay toogasho ku dilay Nabadoon caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Nabaddoon Cali Maxamed Maxamuud (Cali Dheere) oo kamid ahaa waxgaradka caanka ka ahaa magaaladaasi.
Nabaddoonka ayaa lagu weerarray xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne xilli uu kasoo baxay salaadii cishah, kuna sii jeeday Hoygiisa, waxaana baxsaday dableydii falka dilka ah u geysatay.
Ciidamada Amniga magaalada Beledweyne ee dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Gobolka ee Hirshabeelle ayaan ku guuleysan inay soo qabtaan kooxda dilka geystay, iyadoo magaalada ay ku jirto xaalad amni oo halis ah.
T|aliyaha Booliska Beledweyne aya sheegay inay qabteen dad badan 10 qof oo isugu jira dadkii goobta ka dhowaa iyo ganacsato si wax looga weydiiyo falka, balse aan la heynin kuwii falkaasi geystay.