Diyaargarowgii ugu danbeeyay ee Dhaarinta xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya oo socota
Amniga guud ee magaalada Muqdisho ayaa la adkeeyay, iyadoo la xiray inta badan wadooyinka Muqdisho oo la dhigay ciidamada dowladda ay sida Booliska iyo gaadiidka dagaalka.
Waxaa diyaar garow ka socdaa Xarunta Teendhada Afisyoone oo maanta lagu dhaarin doono xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya. Ciidamada ATMIS ayaa iyaguna ilaalinaya amniga Xarunta Xalane iyo Goobta lagu dhaarinayo Xildhibaannada.
Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray saaka xildhibaanadii laga soo doortay K/Galbeed oo kasoo baxay magaalada Baydhaba, waxayna degdeg qaadanayaan shahaadadada xildhibaannimo, taasoo loogu ogolaanayo inay ka mid noqon doonaan xildhibaanada la dhaarinayo maanta.
Dhowr madaafiic Hoobiyeyaal ah ayaa goor dhoweyd ku dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, sida ay sheegeen dadka degaanka. Weerarka madaafiicda ayaa la sheegay inay Alshabaab ka danbeysay, mana jiraan wax qasaare ah oo ay geysteen.
Waxaa Xarunta Teendhada Afisyoone ku sugan xildhibaannadii ugu horeeyay ee Baarlamaanka cusub, waxaana ku qulqulaya xildhibaannada labada aqal, iyadoo sidoo kale ay tegi doonaan madax uu ka mid yahay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Waxaa maanta soo afjarmi doona dowladii uu hoggaaminayey Maxamed C/llaahi Farmaajo oo muddo shan sano ka badan jirtay, taasoo dalka gelisay xaalad hubanti la’aan ah iyo qalalaase siyaasadeed iyo mid dastuur.
