Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Amnigu Qori ka Qara Weyn [Yusuf Garaad]

    Amnigu Qori ka Qara Weyn [Yusuf Garaad]

    March 2, 20163 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    OLYMPUS DIGITAL CAMERA
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    yusuf-garaadWaa habeen. Waa Hargeysa. Waa bilihii ugu dambeeyay sannadka 1990. Annaga oo dhowr ah oo howl samafal u soconna ayaan wadannaa gaari 4×4.

    Mugdiga iyo burburka waddada waxaa uga sii daray roob da’ay oo xareeddiisu ay dhulka jiifto god kasta oo laamiga ka dhex qodanna la soo sintay waddada inteeda kale.

    Rasaas goos goos ah ayaa dhaceysa. Waxaa dawanka rasaasta sii xoojiyay oo jabaq daba dhigaya rayska iyo hawada cufan ee roobka iyo qabowgu ay sababeen. Amni darradu waa mid baahsan. Cabdisa lagama sheekeyn karo. Wax kasta oo loo dhinto ayaad filan kartaa mar kasta.

    Guri ku yaalla meel ka dambeysa meesha ay hadda Madaxtooyada Somaliland tahay ayaan ka soo baxnay. Meel aan sidaa uga fogeyn ayaan u soconnaa arrin habeennimadaas nagu kalliftay darteed.

    Waddada aan ku soconnaa waa mid jajaban. Marmar ayaad saqafkaama meel kale oo aadan dooneyn madaxa ama garabka ku dhufaneysaa.

    Anigu waxaan ka welwelsan ahay in meesha aan u soconno aan nabad ku tegi doonno, maaddaama aan nahay gaariga keliya ee waddada saaran inta isheennu qaban kartay inta aan soconnay.

    Nin u dhashay dal Yurub ah oo i garab fadhiya ayaa intaa su’aalo i weydiinaya aan u qaatay in uu cabsida isku moogeeysiinayo. Laakiin anigu sheeko diyaar uma ahi. Jawaabaha qaar aan siinayo waa kuwo u dhigma in aan leeyahay saaxiib hadalka iga daa.

    Markii dambe ayuu i weydiiyay su’aal iga yaabisay – Maxaad waddooyinka isaga dhisi weydeen?

    Su’aashani ma ahan mid aan filayay. Waan garan waayay wax aan ka iraa iyo meel aan jawaabta uga billaabo.

    Si aan isu dhaafiyo ayaan ku iri rasaasta korkeenna ka dhacaysa sow ma maqashid? Xilli dagaal ayaa lagu jiraa ee xilli dhismo ma ahan.

    Wuxuu igu yiri waddooyin xumada lagu rafaadayo ayaa ka mid ah waxa idiinkugu wacan dib u dhaca iyo weliba xanaaqa iyo colaadda. Waxaas oo dhan ayaana dagaalka uga sii daraya.

    Maanta 2016

    Ma aqaan sababta laakiin mar kasta hadalkii ninkaas, oo habeenkaas macna darrada iigu muuqday, wuu igu soo maaxdaa. Ma ahan in aan ka hadlayo waddada oo keliya, laakiin amni waa mid aad uga ballaaran. Askariga iyo qorigiisu aad ayay muhiim ugu yihiin amniga. Laakiin keligood howsha kuma filna.

    Gaar ahaan marka laga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo inta badan cakirnaa tan iyo berigaas. Kuwaas oo muwaaddinnimo ka ay inta badan shaqadeydu ahayd la socodkooda, baaritaankooda, falanqeyntooda iyo odorskooda.

    Dalkeenna mowduucii aad ka hadal maagto in uu waxqabad u baahan yahay ha ahaado fursad u abuurista shaqo ee dhallinyarada, xaqdhowrka xuquuqda aadanaha oo maxaabbiistu ay ku jirto, kobcinta dhaqaalaha, xeer u dejinta saxaafadda, ganacsiga iyo waxbarashada, horumarinta fanka, dhaqanka iyo Sportiga, iyo dhismaha waddooyinka waxaad arkeysaa dad waxaas u arka faakiheysi iyo qof kibray hadalkiis.

    Waxay soo hadal qaadayaan arrimo kale oo wax ka qabasho deg deg ah u baahan. Amniga, tahriibka, qaxootiga, barakaca iyo arrimo kale oo xasaasi ah.

    Waxaa naga maqan in aan dadka oo dhami isku hal dhinac culeyska saari doonin isla markaana aanuu isku xirfad iyo aqoon ahayn wakhtiguna aanuu na sugeyn. Markaa ay habboon tahay in howluhu ay isku dhinac socdaan.

    Aragtideyda, tayaynta iyo baahinta waxbarashada, shaqaaleynta dhallinyarada, daryeelka caafimaadka, dhowridda xuquuqda aadanaha, sarreynta sharciga, kobcinta dhaqaalaha, tababbarka suxufiyiinta, la xisaabtanka siaasiyiinta iyo ganacsatada, xakameynta laaluushka iyo musuqmaasuqa, horumarinta fanka iyo Sportiga intuba waxaa ay qeyb ka yihiin sugidda amniga iyo ilaalinta nabadgelyada iyo xasilloonida.

    Arrin ay tahay in degdeg wax looga qabto ma ahan in loo baajiyo waxyaabaha muhiimka ah ee iyaguna wax ka qabashada u baahan.

    Posted by Yusuf Garaad

    Yusuf Garaad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGalmudug oo sheegtay inay Alshabaab kala wareegtay degaano ka tirsan Xarardheere (Warsaxaafadeed)
    Next Article Faahfaahin ku saabsan Dagaal culus oo ka socda Magaalada Dhuusamareeb

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo