Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 25
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Anaga Wadani

    Anaga Wadani

    Ku saabsan Wadani.com: Wadani Online (Investigative Journalism from Somalia)

    Wadani Online, wuxuu ka dhashay baahi loo qabo inay Saxaafadda Soomaaliya ka gudubto heerka dhacdo tebinta ah ee ay ku dhowaad 20-sano ku shaqeyneysay, waxaana himilada la hiigsanayo ay tahay in la helo Warbaahin horumarsan oo la jaan qaadi karta dhigeeda goboleed iyo caalamkaba.

    Saxaafadda waxaa lagu tilmaami jiray awooda afaraad ee Adduunka, laakiin waxaa la isku raacsan yahay in xilliyadan dambe ay heerkaasiba ka soo gudubtay oo ay gaarsiisan tahay awoodda Koowaad ama Labaad, waxaana jira tusaalooyin taageeraya fikradan oo ay ugu horeyso qeybtiii Warbaahinta galbeedka siiba Mareykanku ka qaadatay dagaalkii lagu qabsaday dalka Ciraaq sanadkii 2003-kii.

    Wadani.com wuxuu uga duwan yahay Warbaahinta sida caadiga ah waxaa dhacda inay Saxaafaddu

    ku kooban tahay gudbinta warar maalmeedka dhaca, wareysiyo iyo waxyaabaha soo raaca sida Barnaamijyo maalinle ah, Iidheh iyo madadaalo kooban taasina waxay ciriiri gelisay fahamkii Saxaafadda laga qabay dadkeena Soomaaliyeed dhexdiisa.

    Waayo-jooggii hore ee Saxaafadda Soomaaliya waxay howsha Warbaahintu ku tilmaameen inay ku kooban tahay:

    ⇒ Wargelin ay dadkii wixii jira u tebiso.

    ⇒ Waxbarasho ay dadka hadba wax cusub ka faa’iideystaan.

    ⇒ Iyo madadaalo ay ka helaan inay ku nastaan.

    Wargelinta iyo waxbarashada laga sugayo Warbaahinta ma xaqiiqoobeyso ilaa laga helo Saxaafad dhameystiran oo mihnad ahaan, shaqo ahaan, tayo iyo tiro ahaanba miisaaman, isla markaana heli karta xogta ay u baahan tahay si loogu soo hirto, sidaasi darteed Wadani.com waxaa hal-heys u ah: Wadani waa Warbaahin meel walba joog ah!!!

    Ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa hirgelinta Wadani.com waa in la helo Warbaahin ku howlgaleysa habka loo yaqaan Saxaafadda dabagalka (Investigative Journalism) oo aan ka jirin Soomaaliya guud ahaan, isla markaana aanay jirin ilaa iyo iminka cid ku howlgashay, ha ahaato TV, Idaacad, Wargeys, Online iyo qeybaha kale ee Saxaafadda.

    Waa la fahmi karaa caqabadaha waaweyn ee ka hor imaanaya saxafiga doonaya inuu sameeyo Barnaamij lagu tilmaami karo dabagal saxaafadeed, ka sokow imkaaniyaadka la heli karo oo aad u yar, waxay caqabadda ugu weyni tahay tiiyoo aanay dadkeenu nooc waliba oo ay yihiin Saxaafadda u arkaan wax dhibaato ku ah ama aanay sirahoodu u sheegi karin, waana taas dhibaatada ka hor imaaneysa Saxafiga isku daya inuu arrin ka sal-gaaro, lagana yaabee inuu xilli aad u dheer ku qaato diyaarinta hal mowduuc.

    Iyadoo taasi jirto ayay hadana suuragal ahayn in gacmaha la isa saarto oo aanu ku koobnaano dhacdo maalmeed iyo wareysi daba-yaalla, waxayna nala noqotay inaynu asaas dhigno oo tallaabo horay u qaadno, socod kastaahi wuxuu ka bilowdaa tallaabo qura.

    Wadani.com

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo