Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Aqalka Cad oo laga bilaabay Casharo Diinta Masiixiga oo la siinayo Madaxda Mareykanka

    Aqalka Cad oo laga bilaabay Casharo Diinta Masiixiga oo la siinayo Madaxda Mareykanka

    April 9, 20182 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Toddobaad kasta, maalinta Arbacadda ayaa golaha wasiiradda madaxweyne Donald Trump waxa ay isugu tagaan qol qarsoodi ah oo ka tirsan Aqalka Cad, halkaas oo loogu dhigo casharo ku saabsan kitaabka masiixiga ah.

    Balse waxaa la sheegay in dumarka aanan loo ogoleyn in ay casharada qeyb ka jeedinayaan ama ay dadka wacdiyaan. Waa talaabadii ugu horeysay muddo 100 sano ah oo laga hirgaliyo taariikhda Aqalka Cad ee looga taliyo Mareykanka.

    Dadka xaadira waxaa ka mid ah madaxweyne ku xigeenka Mike Pense, xoghayaha arrimaha dibedda Mike Pompeo, waxbarashada Betsy DeVos, Tamarta Rick Perry, iyo xeer illaaliyaha guud Jeff Sessions, diiwaankana waa mid dheer.

    Casharada waxa ay soconayaa 60 illaa 90 daqiiqo, dadkana markaas kadib waa u fasaxanyihiin in ay daaciga la xiriiraan haddii ay wax dheeraad ah u baahdaan. Daaciyada waxaa ka mid ah Ralph Drollinger, oo horey u ahaan jirey ciyaartooy kubbadda shabaqa.

    Hadda waa 63 jir, waana baadari muxaadarooyin joogto ah u qabta qaar ka mid ah xertiisa oo hadda noqday xildhibaano Aqalka Sare iyo waliba wasiiro ka tirsan dowladda Trump, taas oo horseeday in Trump uu u yeerto ninkan si wasiiraddiisa oo dhan uu u siiyo casharo joogto ah.

    Drollinger ayaa sheegay in uu rumeysanyahay in dadka hadda hormuudka ka ah Maraykanka ay yihiin dad aad u aaminsan diinta masiixiga, islamarkaasna ka fog dadkii calmaaniyiinta ahaa ee diinta iska fogeyn jiray.

    Casharadan diinta waxa ay biloowdeen xilligii madaxweyne Bush, balse waxaa kaliya la siin jiray shaqaalaha darajadooda hooseysa. Trump kama mid ah kooxdan diinta loo dhigo, balse waxa uu Drollinger sheegay in uu yahay nin aad u rumeysan diinta.

    Mar wax laga weeydiiyay sida la’isu waafajinayo aragtida Maraykanka uu ku dhisanyahay ee ah kala saarista diinta iyo dowladda, iyo casharada uu bixinayo, ayaa waxa uu sheegay in isagaba uu taas aaminsanyahay, balse shaqsi ahaan dadka dowladda ku jira ay xaq u leeyihiin in ay diintooda ku adkaadaan.

    Xertiisa uma sheego sida ay u codeeynayaan, iyo siyaasadaha ay qaadanayaan, balse waxa uu rumeysanyahay in marka ay bartaan kitaabka masiixiga, in ay fahmi doonaan go’aanada ay qaadanayaan.

    Baadarigan waxa uu ku noolyahay California, waxana uu todobaad kasta u duulaa magaalada Washington si uu casharada usoo bixiyo.

    Donald Trump Trump US
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSafiirka Imaaraadka ee Soomaaliya oo shaaciyey halkii ay ku socotay Lacagtii lagu qabtay Garoonka Muqdisho [Akhriso]
    Next Article Madaxweyne Xaaf oo soo dhoweeyay Is-casilaadda Jawaaari, Digniina u diray Madaxweynaha & Ra’iisal Wasaaraha

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo