AQALKA CAD oo walaac ka muujiyey halka uu XASAN SHEEKH ku wado Soomaaliya
Washington (Wadani Online) – Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa niyad ka muujiyay siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh ku hagayo Soomaaliya, sida uu qoray wargeyska Washington Post oo soo xiganaya saraakiil sare.
Sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa muujiyay walaac isa soo taraya oo ku saabsan sida uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud mudnaanta u siinayo arrimaha siyaasadda gudaha, taasoo uu sheegay inay carqaladeynayso dadaallada lagu horjoogsanayo kooxda Al-Shabaab, xilli khatarta kooxdaasi ay sii kordheyso.
“Waxaan ka walaacsannahay sida uu Madaxweyne Xasan Sheekh u doorbidayo siyaasadda gudaha halkii uu xoogga saari lahaa la-dagaalanka Al-Shabaab, gaar ahaan iyadoo khatarta kooxdaasi ay kor u sii kacayso,” ayuu yiri sarkaalka, oo la hadlay The Washington Post.
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa xaqiijisay in inkasta oo uu jiro walaacan uu Mareykanku “sii wadi doono wadashaqeynta dhow ee uu la leeyahay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika.”
Sida ay tiri warbixinta Washington Post, Tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay xafiiska sanadkii 2022, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xumeeyey xiriirka saaxiibada reer galbeedka, kaddib markii uu xoogga saaray hirgelinta nidaamka doorasho ee hal qof, hal cod ah — qorshe ay dhaliilayaashu ku eedeeyaan in marar badan loo adeegsaday dib u dhigista doorashooyinka.
Xukuumaddiisu waxay sidoo kale khilaaf la gashay maamullo goboleedyo saameyn leh, iyadoo muran xooggan uu ka dhashay wax ka beddelka dastuurka oo lagu eedeeyay in lagu ururinayo awoodda dowladda dhexe.
Tallaabooyinkan siyaasadeed ayaa si weyn u wiiqay howlgalka mideysan ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab — koox si xeel dheer uga faa’iideysata kala-qaybsanaanta beelaha si ay u wiiqdo amniga qaranka. Taariikh ahaan, doorashooyinka Soomaaliya waxay marar badan curyaamiyey dadaallada amniga, inkasta oo saraakiisha Mareykanka ay dhowr jeer u dhexgaleen dhinacyada si ay u dejistaan xiisadaha.
“Madaxweyne kasta marka uu xafiiska la wareego, wax walba si wanaagsan ayay ku bilaabmaan, laakiin siyaasadda beelaha ayaa hadhow dumisa wax walba,” ayuu yiri Larry Andre, safiirkii hore ee Mareykanka u fadhiyay Soomaaliya.
Waxa uu xusuustay shir jaraa’id oo ay wada qabteen sannadkii 2022 isaga iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyagoo xirtay dhar buluug cirka ah oo is le’eg si ay u muujiyaan midnimo, xilli siyaasadda gudaha ay isu beddeshay dagaallo beeleed dhimasho sababay.
Maanta, iyadoo Soomaaliya ay mar kale wajahayo xaalad siyaasadeed oo kacsan, saraakiisha Mareykanka ayaa ka digaya in xiriirka labada dal uu wajahayo cadaadis isa soo taraya.
Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in Mareykanku “marar badan ku booriyay” Madaxweyne Xasan Sheekh in uu dib ugu laabto iskaashiga amni iyo hannaanka dowladnimo ee loo dhan yahay, balse aan la arag wax horumar ah.
“Xoogga uu saaray ururinta awoodda dhexe ayaa caqabad ku ah horumarka dagaalka ka dhanka ah argagixisada,” ayuu yiri sarkaalka. “Waxaan rumeysannahay in isbeddelka mudnaanta siyaasadeed uu yahay mid lagama maarmaan ah si loola tacaalo khatarta sii kordheysa.”