Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»AQALKA SARE: Gole Qaran miyaa.. Mise shaqaale Maamul-Goboleed.? [Qormo xasaasi ah]

    AQALKA SARE: Gole Qaran miyaa.. Mise shaqaale Maamul-Goboleed.? [Qormo xasaasi ah]

    October 7, 20174 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Siyaasiyiinta, Aqoon-yahanka iyo Shacabka Somaliyeed weli aragti cad kama heystaan; Xilka, Waajibdka iyo Hawsha Aqalka sare, hadii la weydiiyo laba Senator? Hawshooda hal jawaab kuma siinayaan. Senator Faroole oo ahaa Engineer kii dhismaha Aqalka sare, sharaxaad kaafi ah kama siinin dadka Somaliyeed iyo xubnaha Aqalka; hawsha ay u qabanayaan Qaranka.

    Siyaasada Somaliya markii ay socon-weydo waa la ordi-siiyaa; Carte 2000, markii ugu horeysay Taariikhda Siyaasada Somaliya waxaa lagu dhisay Barlamaan ah 275, oo lagu sababeeyey dib u heshiisiin iyo ku meel-gaar (TNG).

    Embagathi 2004, waxaa lagu daray Fedaraal aan la fahmin, lana ogeen cida wadata ee uu danta u yahay (TFG).

    Jabuuti2 2009, waxaa lagu daray 275 + 275= 500 Xildhibaan oo aan la fahmin waxa laga rabo ama lagu xalinayo!.

    Mogadisho 2012, waxaa lagu kordhiyey; Dastuur Qabya ah oo ay Saxiixeen 6 Nin, Aqal-sare, Dawlad-gobaleed, Fedaraal Rasmi ah oo ka baxay ku meel-gaar (SFG).

    Markii Dastuurkii la ansixyey 2012, Barlamaankina la magacaabay, fadhigii ugu horeeyey waxuu laalay Aqalkii sare (Anaga ayaa isku badan ee naga hara).
    Doorashii Xasan Sheekh, bil kadib waxaa bilawday dagaalkii Maamul-gobaleed iyo Olole ah; (waa warey Federaalkii ayaa la diidayaa iyo Maamul-gabaleed!) M. Xasan oo markii hore is adkeeyey ayaa kadib Kursigii u baqay, hadii qeyladu gaarto ama ay maqlaan kuwii Fedaraalka keensaday ee waardiyaha ka haystey, markaas ayuu fasaxay fiilter la’aan.

    2017, M.Xasan waxaa laga dhaxlay; 6 Maamul-gobaleed oo is diidan, Dawlada dhexe na diidan, Dastuur Qabya ah, Aqal-sare oo aan la aqoon waajibkiisa, Xildhibaano ay kala leeyihiin Qabiilo+ Maamul-gobalo + Xizbiyo + Kooxo + Dawlado-shisheeye = Sumad-laawe, Madashii Hogaan Qaran oo noqotay xujjada la hordhigay Golayaasha Fedaraalka, Ciidan kala qoqoban oo weli la kala leeyahay, mid Shisheeye oo uusan weli cadeyn waajibkooda iyo cida ay ka amar qaadanayaan, Safiiro Shisheeye oo is mooda in ay Dalka ka yihiin Madax, Dawlado shisheeye oo fursad toos ah u helay faragelintii ilaa ay cadeysteen qaarna in ay Xasan soo celinayaan, qaarna ay ridayaan.

    2017 – 2020, waxaa rajo laga qabay Aqalka sare in uu noqdo Gole Qaran oo noqda Qoorta u dhaxeysa Federaalka iyo Maamulada (La mood noqose waa) kadib markii uu u dhaqmay qaab Shaqaale ay adeegsadaan Maamuladu. Tusaale; M. Xaaf markii uu ku xad-gudbay Dastuurkii, hay’badii Qaranka, kuna Caasiyey Fedaraalkii Biilayey, Senataro iyo Xildhibaano ayaa u Xadreeyey una Gurbaan-tumay, Aqalka sare kama hadlin gefka Dastuurka loo geestay! M. Sharrif Xasan markii uu ka soo laabtay Qaraabkii iyo Shirkii faragelinta ee Emaaraatka, horayna u soo qaadey kistii Shirka Kismaayo oo ka baaqsatay Shirkii Abu-dhabai, waxaa Mashxarad ku soo dhaweeyey Baydhabo iyo Kismaayo, Boorsadana u sii qaaday Xildhibaano iyo Senataro Fedaraal ah! M.A.Madoobe wuxuu Casuumay Xildhibaano iyo Senataro u Camira Shirka, una Baarakeeya, Aqalka sare weli kama hadlin Gefka laga gelayo Dastuurka iyo Dawlada dhexe!!!

    Dawlada dhexe waxey leeday waajibaad, waxaana lagu leeyahay Xuuquuq, waxaana horeeya waajibka; hadii Maamulada aan laga qaadi karin Waajibka sidee loogu raadi karaa Xuuquuq???
    Hadii Maamuladii diideen; Canshuur, Ciidan Qaran, Xiriirka dibadda, Khayraadkii dalka in loo qeybiyo, Awood-siinta Golayaasha Fedaraalka, uga danbeynta amarka Ciidamada Shisheeye iyo Kaalmada dibadda Fedaraalka! Sidee loogu qasbi karaa Dawlada Fedaraalku in ay bixiso Xuquuuq, sow uma eka (Keyga anaa leh, kaagana kula lihi) ama (Gardaro Garab og)!!

    Hadaba Aqalka sare waxaa la gudboon;
    1. In ay noqdaan Gole Qaran oo ka sareeya Shaqaale ah Guul-wade-yaal.
    2. In ay difaacaan Dastuurka iyo Fedaraalka ay Mas’uuliyada ku hayaan.
    3. In Maamuda ay Matalaan ka qaadaan Waajibka lagu leeyahay kadibna u qaadaan Xuquuqda ay leeyihiin.
    4. In ay kala soocaan Deegaanka laga soo magacaabay iyo Mas’uuliyada uu Qaranku ka sugayo.

    Hadii ay kaalintooda ciyaari-waayaan! Waxaa dhaceysa in kaalintooda ay galaan; Imaaraat, IGAD iyo M. Keetin! Iyaga ayaana noqonaya Aarbiiter ama Qoorta u dhaxeysa Fedaraalka iyo Maamulada!!!

    W/Q: Maxamed Gacal

    Wasiiru- dowlihii hore ee Arrimaha dibadda Somalia

    Aqalka sare Faroole Maxamed Gacal
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamada Itoobiya oo Diyaarad Qaad sida ku rasaaseeyay Garoonka Magaalada Xudur
    Next Article Guddiyada Dastuurka ee Baaralmaanka oo Qaadacay shirweynaha Dastuurka [Akhriso War-murtiyeed kulul]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo