Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 29
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»AQALKA SARE: Imtixaan horyaalla Doorashada 2016 [Akhriso 4 Caqabad oo heysata]

    AQALKA SARE: Imtixaan horyaalla Doorashada 2016 [Akhriso 4 Caqabad oo heysata]

    October 8, 20163 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dhismaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya waa qodobka ugu adag ee horyaalla Doorashada 2016 oo marar badan dib u dhac ku yimid, waxaana aqalkan ay dad badan qabaan inaysan qaadi karin Soomaaliya.

    Dowladii xilkeeda dhammaaday ee Xasan Sheekh ayaa laga saaray dhismaha Aqalka Sare oo dib loogu dhigay dowladda xigta oo hadda dhismaheeda uu haddana dhibaato ku noqday, waxaana jira arrimo ku xeeran dhismaha Aqalkan oon weli kala caddeyn.

    Madasha-9Ogost6Guddiga Doorashada dadban ayaa u qabtay in xubnaha aqalka sare la doorto 10-ka bishan Oktoobar, taasoo u muuqata inaysan dhici karin.

    Qaabka loo dooranayo xubnaha Aqalka sare waxaa laga dhigay mid ay soo xulayaan madaxda maamul goboleedyada, kadibna ay dooranayaan baarlamaanka maamul goboleedyada.

    Haddii si kale loo dhigo waa Baarlamaan ay keensanayaan madaxda maamulada oo doonaya inay awood ku yeeshaan dowladda Federaalka, laakiin sidee Baarlamaankaasi suuragal u tahay in loo sameeyo.

    Dhibaatada ka taagan dhismaha Aqalka sare waxaa caddeyn u ah in ilaa 4 jeer la bedelay tirada xubnihiisa iyo qaabka loo xulayo ayna Madaxda Madasha Qaran ku qaateen waqtigii ugu badnaa Aqalkaasi oo hadda u muuqda caqabad ku dhegan qabsoomidda doorashada 2014.

    aqal-sareMaamulka Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan

    Waa caqabada ugu weyn ee hor taagan dhismaha Aqalka sare ee Baarlamaanka, weli lama sameyn maamulkii labada gobol oo ay ahayd inuu soo magacaabo musharixiinta Aqalka sare, xitaa haddii la doortana waa maamul la isku heysto oo waqti kale qaadan doona.

    Arrinta Somaliland

    Somaliland oo laga dhigay maamul goboleed xubnaha ka jooga Koonfurta Soomaaliya ayaa qaadacay Aqalka Sare iyagoo diidan xubnaha laga siiyay aqalkan, waxayna weli taagan yihiin inay doorashada bannaanka ka joogaan. Ma cadda xal loo heli karo arrintan, cidda soo xuleysa musharixiinta, cidda dooraneysana waa su’aalo kale  oo aan jawaab lahayn xitaa haddii ay ogolaadaan.

    Gobolka Banaadir (Caasimadda)

    Arrin aan xal loo helin oo markii lagu daalay laga gudbay jawaab la’aan ayaa iyaduna ahayd in gobolka Banaadir xubno laga siin waayay Aqalkan Sare, waana arrin kaleo oo muujineysa khaladaaska uusan ku dhismi karin Aqalkani.

    Maamulada dhisan iyo Aqalka Sare

    Aqalka sare waxaa lagu saleeyay xubnihiisa qaab maamul Goboleed oo marka kor laga fiiriyo fudud, laakiin markii maamul kasta hoostiisa la tegay xubnihii uu ka helay Aqalka sare waxay arrintii isu bedeshay 4.5 iyo qaab qabiil inay u qeybiyaan, maadaama aanay jirin qaab kale oo Soomaalida awoodda ku qeybsan karto.

    Arrintan waxaa ka dhashay muran iyo is qabsi, waxaa kaloo la ogaaday in beelaha waaweyn ay qaateen inta badan xubnihii Aqalka Sare iyadoo ay ku qadeen dhammaan beelihii yar yaraa ee .5 laga dhigay markii horeba.

    SUURAGALNIMADA DHISMAHA AQALKA SARE

    Marka la eego caqabadaha hor yaalla qaab dhismeedka iyo awood qeybsiga lagu saleeyay dhismaha Aqalka sare waxaan suuragal ahay in qaabkan uu ku dhismo Aqal sare oo heshiis lagu yahay ama Soomaalidu u siman tahay, waxaana lagama maarmaan ah in dib loo dhigo ugu yaraan 4 sano oo kale.

    Haddiise sidan lagu amaamudo Aqalkan waxaa cad in dowladda soo socota aysan ka bixi doonin jahawareer keena waxqabad la’aan.

    Faallada Wadani.com

    Aqalka sare Doorashada 2016 Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleRuushka iyo Mareykanka oo qarka u saaran isku-dhac & Dagaalweynihii 3aad oo la hadal hayo
    Next Article Agaasimaha Xafiiska UNSOM ee Soomaaliya oo beeniyay in shaqada laga eryay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo