Munaasabad lagu furay kalafadhiga 4aad ee Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dhcday Hotel ku yaalla magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka baaqsaday furitaanka kalfadhiga afraad ee aqalka sare, iyadoo muddo laba jeer ah uu hore u baaqday furitaanka Aqalka sare, kadib markii ay diideen inay qeyb ka noqdaan furitaankii kalfadhigii 4aad ee Golaha Shacabka.
Waxaa kalfadhiga Aqalka Sare furay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi, iyadoo ay ka qeyb galeen Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Xukuuamdda Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo Safiirada dalalka Qadar iyo Turkiga u fadhiya Soomaaliya.
Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in madaxda sare ay shaqo ku maqan yihiin oo aysan suuragelin inay ka qeyb galaan furitaanka kalfadhiga afraad ee Aqalka sare.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi oo khudbad dheer ka jeediyay munaasabadda, isagoo markii dambe ku dhawaaqay inuu furan yahay kalfadhiga.
HOOS KA DAAWO