Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa maanta yeelanaya kulankoodii koowaad ee Kalfadhiga saddexaad, iyadoo ay horyaallaan qodobo dhowr ah.
Sida ay sheegeen xogheynta Aqalka Sare waxaa golaha horyaalla qodob ku saabsan weerarkii ay ciidamo uu Imaaraadku tababarray ku qaadeen senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) iyo Qaraarka uu shalay ansixiyey Baarlamaanka ee dalka looga mamnuucay shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta.
Waxaa la filayaa in xubnaha Aqalka Sare ay ansixiyaan Qaraarka taasoo ay saacideyso xaaladda siyaasadeed ee dalka ka taagan, inkastoo ay jiraan xildhinaano taageeran maamul Goboleedyada oo kasoo horjeedo qaraarkaasi.
Arrinta kale ee Aqalka Sare hortaalla ayaa ah sidii ay meel u saari lahaayeen weerarkii bishii December ee sanadkii hore lagu qaaday Guriga Senator Cabdi xasan Cawaale Qeybdiid oo dowladda Soomaaliya ay ka gaabsatay.