Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Aqalka Sare oo Sharci-darro ka dhigay magacaabista, Ansixinta iyo dhaarinta Guddiga la-dagaalanka Musuqa

    Aqalka Sare oo Sharci-darro ka dhigay magacaabista, Ansixinta iyo dhaarinta Guddiga la-dagaalanka Musuqa

    April 26, 2021Updated:April 26, 20213 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Aqalka Sare oo ka digay tallaabooyinka ka hor imaanaya Dastuurka DalkaGuddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa uga digay Hay’adaha Dowladda iyo cid kasta oo xiganaysa nidaamka sharci-dejinta dalka, hadallada ama qoraallada ka hor imaanaya Dastuurka Dalka.

    Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa faahfaahiyay Hab-raaca dastuuriga ah ee Xeer-dejinta dalka kaas oo qeexaya Awoodda Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ka koobanyahay.

    “Awoodda xeer-dejinta Dalka waxaa iska leh labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, hal Aqal kaligiina iskuma koobi karo, mana ku Shaqeyn karo awoodda Baarlamaanka sida ku cad Qod.55aad ee Dastuurka KMG ah oo dhigaya in Baarlamaanka Federaalka uu ka kooban yahay labo gole oo kala ah Golaha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka” Guddoomiyaha ayaa caddeeyay in muddo kordhinta ay ansixiyeen Golaha Shacabka ay baalmarsan tahay Dastuurka KMG ee Dalka, wax sharciyad ahna aan laheyn Dalkana u horseeday xasilooni darro iyo qalqal amni aan la mahdin.

    Wuxuu Guddoomiyuhu sidoo kale xusay, inuu hore soo saaray go’aan uu ku faahfaahiyay sharci-darraninada go’aankaas Golaha Shacabka iyo waxa ka dhalan kara.Faahfaahinta Nidaamka Xeer-dajinta Dalka Sida ku cad “Madaxa Afaraad (Qod.79aad – Qod.86aad) ee Cutubka Lixaad ee Dastuurka KMG ah wuxuu xeerinayaa dhammaan tallaabooyinka loo baahan yahay in sharci kasta oo qabyo ah uu maro. Nuxurka tallaabooyinkaas waa sida hoos ku qoran:

    1. In sharci kasta oo qabyo ah ee la horkeeno mid ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay waajib dastuuri ah tahay in uu maro aqalka kale ee Baarlamaanka Federaalka iyada oo la raacayo habraaca dastuuriga ah ee sida faahfaahsan loogu qeexay Qod.82aad iyo Qod.83aad ee Dastuurka KMG ah.

    2. In nuqulka kama dambeysta ah ee ay si kala goonni ah u meel mariyeen labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya loo gudbiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qod. 82aad, Qod. 83aad iyo Qod.90aad (f) ee Dastuurka KMG ah; si uu u saxiixo.

    3. In nuqulka uu ansixiyay Baarlamaanka Federaalka uuna saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda lagu soo saaro Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qod. 82aad, Qod. 83aad iyo Qod. 85aad ee Dastuurka KMG ah”.

    Sida oo kale, Dastuurka KMG ah wuxuu si faahfaahsan uga hadlay habraaca lagu meelmarin karo Xubnaha Guddiyada Madaxa-bannaan oo uu ka mid yahay Guddiga La Dagaalanka Musuqmaasuqa, sida uu xeeriyay Qod. 112aad ee Dastuurka KMG ah. Sida oo kale, xeerka lagu dhisay Guddigaan ayaa si qummaati ugu qeexay qodobbada 10aad iyo 11aad habraaca loo marayo dhismaha guddigaan.

    Haddaba, tallaabooyinka lagu soo magacaabay, sida loo ansixiyay iyo sida sharci-darrada ee loo dhaariyay waxay baalmarsan yihiin qodobbada Dastuuriga ah iyo sharciga kor ku xusan ee Labada Aqalka ee Baarlamaanka Federaalku ansixiyeen.

    Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo jeediyay in Hay’adaha Dowladda & cid kasta oo xiganaysa nidaamka sharci-dejinta Dalka in ay ilaaliyaan sharciga Dalka u yaala ayna ka fogaadaan hadallada ama qoraallada ka hor imaanaya Dastuurka Dalka.

    Aqalka sare Cabdi xaashi Guddiga la-dagaalanka Musuqa Guddiga Musuqa
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGuddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare: “Farmaajo waa in lagula xisaabtamo adeegsiga ciidamada Qaranka”
    Next Article Taliye Boolis ah oo ka goostay Dowladda, kuna biiray ciidamada ka horjeeda Muddo kororsiga Farmaajo

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo