Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Aqalka Sare oo si kulul uga hadlay Kharashka Shirkadaha Xajka qaataan, una yeeray 4 Wasiir [Akhriso Warbixin]

    Aqalka Sare oo si kulul uga hadlay Kharashka Shirkadaha Xajka qaataan, una yeeray 4 Wasiir [Akhriso Warbixin]

    August 21, 20174 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xildhibaannada aqalka sare ayaa maanta dood kulul ka yeeshay soo jeedinta Xildhibaan Naciimo Ibraahim Yuusuf oo aheyd in  lacagta laga qaado xujeyda Soomaalida ay tahay mid qaali ah, loona baahan yahay go’aan iyo in tilaabo la qaado.

    Xildhibaannada aqalka sare ee golaha ka hor hadlay ayaa ka sinnaa in lacagta laga qaado Xujeyda Soomaalida ay tahay mid qaali ah marka loo eego dalalka kale, iyaga oo intaa raaciyay in adeeg xumo ay wehliso.

    Wasaaradda, Safaaradaha iyo shirkadaha duulimaadka intaba waa la dhaliilay, waxaana loo yeeray  illaa 4 wasiir: wasiirka diinta iyo awqaafta Xil.Dr. Iiman Cabdullahi Cali , wasiirka ganacsiga Khadra Axmed Ducaale, wasiirka gaadiidka dhulka iyo cirka  Maxamed Cabdullahi Salaad iyo wasiirka arrimaha dibadda Yusuf Garaad Cumar Axmed.

    Xildhibaan Jawaahir Axmed Cilmi ayaa si weyn u taageertay soo jeedinta, iyada oo sheegtay in Senatarada ay matalaan shacabka, shacabkana ay ku dhib qabaan Xajka tagiddiisa, waxaa ay soo qaadatay in qofka Xajka ka aadaya Djibouti uu bixiyo $1608 halka Soomaaliyana laga qaado $3800 oo xitaa meesha la dejiyo aaney laheyn cunto iyo marwaxado

    Xildhibaan Cabdirisaq Cismaan Xasan Cismaan ayaa waxaa uu isweydiiyay cidda ka mas’uul lacag qaadista: “Waxaan caddeyn Mudane guddoomiye, Yaa leh mas’uuliyadda dhabta ah $3,808 in qofka ka xajinaya lagaga qaado Xamar, Yaa gooyay in Boosaaso oo kun ka badan ka shisheyesa intaasi laga qaado, Yaa gooyay Hargeisa oo Djabuti intaasi u jira in $3800 la qaado, Djiboutina  $1600 laga qaado, Sharciyan cidda leh, ilaahey hortii ma garanayo, Ma cidda diyaaradda leh, ma wasaaradda, Lacagtaas xagee ku dhacdaa”?

    Xildhibaan Faadumo Xasan Aden  waxaa ay la yaabtay in iyada iyo wiilkeeda laga kala qaado lacago aan isku dhaween“Waxaa socda meeshan qof inuu ku baxo $1608, aniga wiilkeyga waxaa uu ku baxayaa $3790, marka wax isku dhaw ma aha, markii aan arrinkan ogaadey aniga iyo guddoomiye Samsam waxaan la kulanay wasiirka, waxaan ku niri dadka waa cadiban yihiin, qiimahana waa qaali, Maxaa ka ogtahay? Waxaa uu wasiirka nagu yiri aniga waa ay iga horeysay arrinkan, aniga waan ku cusbahay, waxaan wax ka qaban karaa xajka ama cimrada soo socda, wax walbo cid ayey u xiran xataa maciishadda”

    Axmed Cabdi  Xafid Maxamud (Bulsho) waxaa uu qabaa in shaqadii wasaaradda diinta iyo awqaafta ay shirkado la wareegeen “Wasiirka waxaa uu sheegayaa arrinkan waa iga horeysay, waxaan idiin sheegayaa in wasaaradda diinta iyo awqaafta ay shacabka wakiil uga tahay, iyada ayaa xajka ka wakiil ka ah, shaqadii ay qaban laheyn shirkado ayaa qabta”

    Xildhibaan Maxamed Amiin Shiiq Xasan waxaa uu ku dheeraaday qaaliga lacagta iyo adeeg xumida shirkadaha duulimaadka“ Lacagta qofka Soomaaliga ku baxeysa iyo lacagta ku baxda dalalka aan dariska nahay aad iyo aad ayey u kala fog yihiin, adeegga ugu liito ayaa loo sameeyaa, Xajka meesha dadka Soomaaliya ka xajiyo tagaan iyo meesha dalalka kale aad iyo aad ayey u kala fog yihiin, duruufo badan ayaa jira, marar qaar qofka Soomaaliga ah ee Yurub ama Mareykanka ka yimaada iyo waalidka Soomaaliya ka tago waa kala fog yihiin, wax walbo hadda waa isku ah shirkadaha, doorkii Safaaradda iyo midkii wasaaradda ayaa meesha ka maqan”.

    Xildhibaan Maxyudin Sheekh Cali Jaamac ayaa isna ka sheekeeyay dhibka uu ka maray tagista Cimrada“Aniga sanadkan aan ku jiro Cimradii ayaan tagay, waxaan ka tagay Nairobi, Safaaradbeynu leenahay waan tagay, aniga qura ma aheen, Xildhibaannada ayey u badnaayeen, intii tagtay wax Passporada naga qaado ayaan weynay, warbaa soo baxay, waxaa la yiri, war suuqa ayaa laga qaataa, $700 ku heleysaan, haddii aad dooneysaan in cimrada tagtaan, iyaga ayaa xiriir wada leh, Xajka dhibka waa lagu qabaa”.

    Xildhibaan Axmed Macalin Cumar(Nadir) ayaa weerar ku qaadey ganacsatada“Horta lacagta la qaadayo aniga ayaa la iiga qaadayey waa $3850…dadkan ganacsatada ah sida ay rabaan ayey dalka ku soo maamulayeen, wax yac ka dhahayey ma jirin, Xajka ayaad sheegeysaane localka ayey naga heysataa, waa arrin dhiig joojin u baahan”

    Xildhibaan Xasan Faarax Xujaale waxaa uu dalbaday in wasiirka loo yeero, lana sameeyo sharciga shirkadaha haga: “Shirkadahan sharci xadidaya ma laha, wax la xisaabtama oo yiraahda sidee wax ku sameyneysaan ma laha, cumrada waxaa ku dhawaaqaya wasaaradda diinta iyo awqaafta,  cumradii maanta ayey furantay, waxaa ay ku egtahay maalintaa, waxaa loo yeerayaa inta ku shaqada leh oo ah imigrationka, shirkadaha diyaaradaha, Bangiga dhexe, mas’uuliyadaas waxaa ay saran tahay wasaaradda, marka waa in wasiirka loo yeeraa, yeeritaanka waa caddeyn, kadib golaha uu go’aan soo saaro sharci lagu hayo shirkadaha wax alle wixii ay rabaan iska sameeya”.

    Wasiiradan: wasiirka diinta iyo awqaafta Xil.Dr. Iiman Cabdullahi Cali , wasiirka ganacsiga Khadra Axmed Ducaale, wasiirka gaadiidka dhulka iyo cirka  Maxamed Cabdullahi Salaad iyo wasiirka arrimaha dibadda Yusuf Garaad Cumar Axmed ayaa laga sugayaa in ay hor yimaadaan aqalka sare, kana jawaabaan su’aalo ku saabsan lacagaha xajka.

    W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye

    Aqalka sare Kharashka Xajka Xujeyda Soomaalida
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDAAWO: Qorax Madoobaad ka dhacaya Dalka Mareykanka & Weriye Ismacil Farjar
    Next Article Maxkmadda Ciidamada oo Dil toogasho ah ku xukuntay dabley ku eedeysan Dil Nabadoon [Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo