Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Aqoonyahan Miisaan ku leh Bulshada oo la filayo inuu isu sharxo xilka Madaxweynaha Somaliya [Warbixin]

    Aqoonyahan Miisaan ku leh Bulshada oo la filayo inuu isu sharxo xilka Madaxweynaha Somaliya [Warbixin]

    December 12, 20164 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Musharax cusub ayaa ku soo biiraya tartanka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inuu aakhirka bishan ka dhaco magaalada Muqdisho.

    Warar laga helay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Aqoonyahanka lagu magacaabo Enjineer Cabdullaahi Cali Xasan  uu isku diyaarinaayo sidii uga mid noqon lahaa Muisharixiinta madaxnimada Soomaaliya oo uu dhowaan ku dhawaaqi doono musharaxnimadiisa xilka Madaxweynanimo ee doorashada ka dhaceysa Soomaaliya dhamaadka bishan December 2016. Enjineer Abdullahi Ali Hassan ayaa la filayaa in uu iclaamiyo musharaxnimadiisa maalmaha inagu soo aadan.

    Aqoonyahankan la filayo dhawaan inuu ku dhawaaqo ka mid noqoshada Musharixiinta  u tartamaya xilka madaxweyne ee Soomaaliya ayaa bartimihii bishii November aynu soo dhaafney  qalqal weyn geliyey kursiga uu banneeyay Madaxweyne Xasan Sheekh 2012, kaasi oo looga guuleystay si cariiri ah kadib markii madaxtooyada soomaliya ay cadaadis weyn saartay qaabka ay doorashadu u socotey soona faragelisay ergadii cododkooda dhiibanayey, iyadoo codadka la kala helayna ay isku dhawaayeen, taasi  oo sababtey in Musharaxa ay wadatay  madaxtooyadu ay meesha keento.

    Wararka la isla dhexmarayo ayaa sidoo kale sheegaya in musharaxnimada Engineer Cabdullaahi Cali Xasan ee qabashada xilka madaxweyne ka dambeysay kadib markii qaybo badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed qaybaheeda kala gedisan ay ka codsadeen in uu xilka madaxweynaha isu soo taago maadaama uu yahay shaqsi waayo arag ah, bisayl siyaasadeed iyo mid aqooneed intaba u leh hogaaminta dalka, isla markaana isku darsaday  khibrad maamul iyo mid hoggaamineed oo waqti dheer ah,  taasi oo sida dad badan ay aaminsanyihiin Soomaaliya u horseedi kara  in ay ka soo kabato xaaladaha adag oo ay ku jirto islamarkaara dalka gaarsiin kara xasilooni, deganaan siyaasadeed, horumar dhaqaale iyo mid bulshadeed intaba.

    Enjineer Cabdullaahi  Cali Xasan oo iminka ah madaxa iyo aasaasihii  Hay’adda Waxbarashada iyo Horumarinta ee loo yaqaan CED taas oo ka howlgasha kana fulisay mashaariic badan oo wax ku ool ah Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya dhowr iyo tobankii sano ee ugu dambeeyay, horeyna wuxuu u soo noqday Bare  Jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed xilligii xukuumadii Siyaad Barre  isagoo islamarkaana horey ula soo shaqeeyay Hey’ado kale ee caalami ah xilliyadii dowlad la’aanta iyo burburka.

    Aqoonyahankaan la filayo in uu ku soo biiro dhawaan Musharaxiinta u tartamaya doorashada madaxnimada Soomaaliya ee 2016 ayaa loo arkaa shaqsi miisaan weyn leh oo haddii uu go’aansado  u tartamida doorashada madaxweyne ee Soomaaliya ku guuleysan kara maadaama sida aan xogaha ku helayno uu taageera badan ka heysto qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed iyo xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka dhawaan la soo doortay ayagoo u arka hoggaamiye nadiif ah oo la imaan kara isbedel muuqda oo dhab ah isla markaana xilligan soomaaliya ka saari kara fowdada, amni la’aanta, kala dambeyn la’aanta, deganaan la’aanta siyaasadedd iyo musquqmaasuqa.

    Enjineer Abdullahi  ayaa  waxuu ka mid ahaa aqoonyahanadii waxgalka ahaa ee waxiii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee soomalia 1991  u istaagay dhinaca bulshada rayidka ah  iyo u adeegida  shacabka Soomaaliyeed ee ay aafeyeen dagaalada sokeeye, dowlad la’aanta, fatahaada, abaaraha  iyo gaajada isagoo ku howlanaa gargaarka beni’aadinimada iyo samatabixinta bulshada dhibaateysan  20 sano ee la soo dhaafay.

    Enjineer Abdullahi waa aqoonyahan edeb badan, qunyarsocod ah, howlkar ah, go’aan qaadasho leh oo  balamadana ku fiican wuxuuna ka tirsan tirsan yahay bulshada rayidka ah.

    Dadka yaqaan Aqoonyahankaan  ayaa ku sifeeyey  in uu yahay shaqsi isku darsaday diin jacayl,  wadaninimo, daacadnimo, hogaan suuban, aqoon iyo howlkarnimo waxayna rajo badan ka muujiyeen in uu ku guuleysan karo hanashada hogaanka ugu sareeyu ee dalka hadii fursad loo siiyo isla markaana si cadaalad ah ay ku dhacdo doorashada la filayo in ay qabsoonto inta lagu guda jiro bishan December 2016.

    Soomaaliya xiligaan waxay u baahan tahay Hoggaamiye qaran oo aragti fog leh, oo la yimaada  isbedel siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid bulshadeed isla markaana ka shaqeeya sidii  dalka qaranimadiisa, midnimadiisa, karaamadiisa iyo sharaftiisa dib loogu  soo celinlahaa una horseeda dalka iyo dadkaba xasilooni siyaasaded, nabad, horumar dhaqaale iyo mid bulsho, sinnaan iyo caddaalad.

    C/llaahi Cali Xasan Doorashada 2016 Musharax madaxweyne
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAkhriso: Magacyada Xildhibaanada Somaliland oo maanta lagu doortay Magaalada Muqdisho
    Next Article DEGDEG: Riyad Mehrez oo ku guuleystay Abaalmarinta BBC ee Laacibka K/cagta Afrika

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo