Doorashadii madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaa ku soo caan baxay erey qabsaday baraha bulshada kaasoo u alifay nin beeraley ah oo degan degmada Jowhar.
“AR FAMAAJO II GEEYA” waxaa ku dhawaaqay C/llaahi Maxamuud Cismaan oo markii danbe u suuragashay in loo geeyo Madaxweynaha la doortay, laakiin qaabkii uu ereyadaasi u sameeyay iyo dhabnimadii ka muuqatay waxay ahayd mid aan qiyaas lahayn.
Tani waxay keentay in ereyadan “AR FAMAAJO II GEEYA” ay noqdaan kuwa waara oo ka mida kuwa ugu caansan ee laga hadal hayo meel waliba oo Soomaali joogto iyo baraha Bulshada.
Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa lagu arkay halheyska “AR FAMAAJO II GEEYA” oo ku xardhan baabuurta.