Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, July 2
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Aragtideyda Muqdisho – Marti mise Muwaaddin? W/Q: Yusuf Garad

    Aragtideyda Muqdisho – Marti mise Muwaaddin? W/Q: Yusuf Garad

    March 31, 2016Updated:March 31, 20164 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email
    yusuf-garaad
    Yusuf Garad

    Muqdisho waa caasimadda Soomaaliya. Waa magaalo ay tahay in qof kasta oo Soomaaliyeed uu ku soo hirto. Waa meel ay tahay in uu si xor ah u degi karo, ka shaqeyn karo, ku noolaan karo, codkiisa ka dhiiban karo isaguna uu iska rashaxi karo.

    Qofkii isku daya in intaas aan sheegay uu u diido muwaaddin Soomaaliyeed, oo isku dayo in uu oggoleysiiyo in uu caasimaddiisa marti ka ahaado, oo uu marti u ahaado qabiil, ha ogaado wuxuu Muqdisho u diiddan yahay caasimadnimada.

    Sax iyo khalad isuma eka. Waana in caqligu na hago oo aan si maskax furnaan ah u fekerno.

    Muxuu yahay caqliga na baraya in labada gabdhood ee Soomaaliyeed oo Gaalkacyo ku wada dhashay aan dhahno middood waxay marti ka ahaaneysaa Caasimaddeeda. Oo ka darane waxay marti u ahaaneysaa midda kale?

    Anigu ma qabo in Caasimaddeenna lagu sheego in uu qabiil leeyahay. Mana qabo in muwaaddin Soomaaliyeed la isku dayo in la iska xijiyo caasimaddiisa oo loo sheego in uu marti ka yahay.

    Hadalka Muqdisho laga jeediyay wuxuu dhaawac ku yahay qalbiga dadka Soomaalinnimada ku kalsoon jecelna. Wuxuuna si gaar ah dulmi ugu yahay beelaha aan hubeysnayn ee Xamar mooyiye aan meel kale oo ay dalka ka degaan aanay jirin. Wuxuu dulmi ku yahay Soomaaliga ku dhashay ama ku barbaaray caasimadda magaalo kalana aan dalka ka aqoon. Ma hubo in ujeeddada laga lahaa ay sidaas ahayd.

    Hadalka odayaashu waa isku-day aan shaqeyneyn. Waayo Qabiilka odayaashu ay u hadleen, oo aan sidaa wada oggoleyn, waxaa ka badan Soomaalida kale. Soomaaliduna ma yeeleyso in ay caasimaddooda marti ka ahaadaan.

    Baarlamaanku muxuu ka qabaa?

    Midda ka khatarsan, waa fikirka aan anigu u qabo in uu kaas la nooca yahay ee Baarlamaanka Soomaaliya. Waa fikir ay ii soo baxday in Xildhibaannada u ololeeyay iyo kuwa u codeeyay qaarkood in aanayba fahamsaneyn saameynta uu ku yeelan karo iyo dhaawaca uu u geysan karo Soomaalinnimada. Waxay taasi ii soo baxday dhowr jeer oo Xamar iyo Kismaayo aan Xildhibaanno kala dooday mowduucaan.

    Waa fikir la mid ah hadalka odayaasha ee hadda laga qeylinayo laakiin ka asluubeysan. Fikir kuma koobna ee waxa ay Xildhibaannadu ay isku dayeen in ay sharci ka dhigaan. Waa waxa ay ugu yeereen “U dhashay” oo lagu go’aamiyay meel aan sidaa uga fogeyn meesha ay hadda odayaashu hadalkan uga dhawaaqeen.

    Haddii aad fahmi weyso “U dhashay” waxaa loola jeedi, sida ugu habboon ee aad ku fahmi kartaa waa in aad daawato video-ga laga soo duubay Muqdisho ee odayaasha. Macnaheedu waa reer ayaa magaalo leh inta kalena waa ka marti xataa haddii ay ku dhasheen, ku barbaareen kuna dhaqmeen.

    Waxay ka horimaaneysa xuquuqda uu Dastuurku siinayo muwaaddinka Soomaaliyeed oo ah in uu codkiisa ka dhiiban karo lagana dooran karo goob kasta oo dalka Soomaaliya ka mid ah.

    Odayaasha waa lagu diidi karaa damacooda, laakiin Baarlamaanku ayaa hadalka odayaasha oo si kale loo yiri isku dayaya in uu sharci ka dhigo. Taas ayaa aniga igala khatarsan.

    Xal

    Haddii Duqa Muqdisho iyo Golaha Degaanku ay ku yimaadaan doorasho, looma baahna in laga doodo qabiilkee Duqa magaalada laga dhigaa iyo yaa Golaha lagu daraa. Duqa magaaladu wuxuu noqonayaa murashixii ay doortaan dadweynaha magaalada deggan.

    Sidaa darteed waxaa loo baahan yahay in la diyaariyo nidaamka doorashada caasimadda iyo xeerarkeeda. Kaas oo ay khasab tahay in uu codeeyo muwaaddin kasta oo degganaa caasimadda muddo lagu cayimi doono xeerka. Shakhsiyan waxaa ila habboon in beelaha aan hubeysneyn ee reer Muqdisho la xaqiijiyo in ay leeyihiin kuraas u dhiganta.

    Waxaan adeegsaday ereyga Xal ee ma adeegsan Xalka, sababta oo ah tani ma ahan sidan keliya ma ahan xalku.

    Dowladda

    Dadweynaha Muqdisho waxay tirsanayaan in ay ku dulman yihiin nidaamka Federaalka. Inta aan ka warqabo dulmiga ugu weyn waa qodobka ku saabsan kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

    Waa in dib loo egaa sida dadweynaha Muqdisho, ay kursi uga waayi karaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka inkasta oo lagu qiyaaso in Xamar ay deggan yihiin dad ka badan 10% tirada iyaduna qiyaasta ah ee dadka Soomaaliyeed.

    Sabab lagu qanco haddii aan Dowladdu hayn, waa in ay xuquuqda codka ee dadweynaha Muqdisho ay xaqiijisaa.

    Dowladda iyo dadweynaha Soomaaliyeed waa in ay ku baraarugaan halista hadallada noocan ah iyo dhaawaca ay u geysan karaan Soomaalinnimada oo la il daran dakharro waaweyn oo Soomaali iyo ajnebiba ay u geysteen ogaal iyo ogaal la’aanba.

    Xumaha laguma daydo ee waa la saxaa. Haddii aad sixi kari waydana waa la sheegaa in uu xumaan yahay si qof sixi kara ay baraarujin ugu noqoto ama xataa mid saxayay ay u dhiirri geliso. Ama si lagaaga qanciyo haddii lacalla ay xumaantu ahayd mid aan jirin oo aad adigu is moodsiisay.

    Soomaaliga aan Soomaaliya waxtari karin, ugu yaraan yaanuu wax u dhimin.

    Posted by Yusuf Garaad

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleYaa lahaa hubkii faraha badnaa ee Faransiisku qabtay? [WAR CUSUB]
    Next Article DEGDEG: Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Gaalkacyo & Mas’uul ku dhintay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo