Aroos nooc cusub ka ah dalka Sacuudiga oo ka dhacay magaalada Jiddaha ayaa keenay in amarĀ laga soo saaro qaabka aroosyada loo dhigo.
Baraha bulshada ayaa lagu baahiyey arooskan oo haweeneyda caruusadda ahayd ay soo xiratay dharka caruusadda ee laga soo minguuriyay reer Galbeedka, iyadoo Wadadda weyn Korniish ee magaalada Jidda ay socod ku mareen iyada iyo caruuskeeda, xilli aysan wadan wax xijaab ah oo timaheeda ay bannaanka soo dhigtay.
Muuqaalka lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujiyey gawaari fara badan oo wadooyinka u istaagay inay salaamaan arooskaasi oo xaalad cusub ka sameeyay Sacuudiga, waxaana ay ahayd wax aan hore loogu arag Sacuudiga oo mamnuuc ka ahaa muddo dheer.
Amiirka Gobolka Jidda Khaalid Alfeysal ayaa arrintan kadib soo saaray amar ah in la mamnuucay caadooyinka khilaafsan dhaqanka iyo diinta Islaamka ee lala tago bulshada dhexdeeda iyo goobaha caamka ah.
HOOS KA DAAWO
https://twitter.com/omeritti/status/959610184892080133
https://twitter.com/n__oo7/status/959673079680073728