Magaalada Kismaayo waxaa maanta la soo taagay goob maxkamad ah 10 askari oo la sheegay inay ka danbeeyeen qaraxii shalay ka dhacay xarunta Shiirkole ee ciidamada ee u dhow madaxtooyada Jubaland, halkaasoo ay ku dhinteen saraakiil, dhaawacyo culusna ay ka soo gaaree ciidamo kale.
Guddoomiye ku xifeenka Maxkamada ciidamada ee Kismaayo Bashiir Maxamuud Xareed ayaa isla maanta ku riday xukun dil ah 7 ka mida toban askari oo la hor keenay iyadoo lagu eedeeyay inay laba qof oo shacab ah ku dileen magaalada Kismaayo. Saddex askari oo kale ayay maxkamadu ku xukuntay xabsi saddex sano ah.
Warkii ugu danbeeyay ee laga helay magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Kismaayo ayaa sheegaya in Maxkamada ciidamada amartay in lagu fuliyo dil toogasho 7-da askari oo isla galabta lagu toogtay halka lagu magacaabo xeebta Ceeldhiig ee magaalada Kismaayo.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]