Wararka laga helayo magaalada Muqdiso ayaa sheegaya dilal qorsheysan xalay lagu khaarijiyeya askar ka tirsaneyd ciidamada dowladda.
Kooxo hubeysan ayaa siyaabo kala duwan weerarro uga geystay magaalada iyagoo dilay laba askari oo ka kala tirsan ciidamada Booliska iyo Milateriga. Askriga hore ayaa lagu dilay degamda Waaberi, kadib markii saddex dabley ah oo bistoolado ay ku weerarreen gurigiisa oo ku dhowa xarunta degmada Waaberi ee G/Banaadir.
Dhinaca kale askari ka tirsanaa ciidamada Milateriga ayaa lagu dilay Xaafadda Black Sea ee Degmada Hodan, waxaana askariga la dilay uu ahaa kii labaad ee saacado gudahood lagu khaarijiyo caasimadda.
Ciidamada ammaanka ayaan ku guuleysan inay gacanta ku soo dhigaan dableyda falalkan fulisay, waxaana markii danbe sheegtay kooxda Alshabaab.