Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dabley loo maleynayo inay ka tirsan tahay kooxda Alshabaab ay toogasho ku dileen laba askari oo canshuur ka qaadeysay suuqa ugu weyn Muqdisho ee Bakaaraha.
Weerarkan oo goor dhoweyd ka dhacay suuqa Bakaaraha ayaa la sheegay inay geysteen dabley hubeysan oo falkaasi kadib ka baxsatay goobta.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in askarta la dilay ay ahaayeen laba askari, iyadoo rag ku hubeysan bistoolado ay rasaas ku fureen kadibna ay baxsadeen.
Wadani.com