Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerar ay kooxda Alsahbaab ku qaadeen galbta fariisin ay ciidamada dowladda ku leeyihiin Gobolka Sh/Dhexe, gaar ahaan degaanka Ceelka Geelowee duleedka degmada Balcad.
Laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa lagu dilay weerarka, iyadoo wararka laga helay saraakiisha ciidamada dowladda ay sheegayaan in la la’ yahay lix askari oo ciidamada dowladda ka tirsanaa, kuwaasoo markii ay rasaasta ka dhammaatay u carraray howdka ayna daba galeen maleeshiyada Alshabaab.
Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa muddo qabsaday saldhigga Ceelka-Geelow oo u dhexeeya magaalooyinka Jowhar iyo Balcad, kadib dagaal qaraar oo ciidamada dowladda iyo kuwa Alsahbaab ku dhex halkaasi.
Degaanka Ceelka Geelow ayaa ah bar koontarool oo ciidamada dowladda ay lacago uga qaadaan gaadiidka isaga kala goosha Balcad iyo Jowhar, waxaana degan ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo ilaaliya wadadda u dhaxeysa labada magaalo.