Dabley hubeysan ayaa Waaxda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan ku laayey askar ka tirsan ciidamada dowladda oo gaaraya Afar askari.Rag hubeysan oo watay gaari Kaarib ah ay rasaas ku fureen Afar askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka, kuwaasi oo saarnaa Mooto Bajaaj.
Dableyda weerarka la beegsatay ciidankan oo ka tirsanaa Millatariga Soomaaliya ayaa si degdeg ah goobta isaga baxsaday, kahor inta aysan halkaasi gaarin Hay’adaha ammaanka.
Ciidanka ammaanka ayaa tagay goobta uu falka ka dhacay, waxayna meydadka askartan geeyeen xarunta dambi baarista ee CID-da, si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.
Waa askartii ugu badneyd oo mar qura lagu dilo hal weerar oo ka dhaca magaalada Muqdisho, iyadoo maanta oo kaliya Muqdisho lagu dilay 6 qof oo isugu jiray askar iyo shacab.