Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo lala beegsaday gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.
Gaariga oo ahaa mid xoog leh ayaa burburiyay gaari nooca Land Cruiser (Cabd Bille) ah oo ciidamada ay la socdeenay. Waxaana qaraxa jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah Muqdisho iyo duleedkeeda.
Gaari oo ay saarnaayeen ku dhawaad 10 askari oo kamid ah Ciidanka Dowladda Somaliya ayaa waxaa ku dhintay lix askari, halka uu ku dhaawacmay mid kale, waxaana jira dad shacab ah oo iyaguna waxyeelo a soo gaartay.
Qasaaraha xoog leh ayaa ciidamadaasi gaaray, waxaana u gurmadayn Ciidan kale oo ku sugnaa meel u dhow halka Miinada ku qaraxday.
Wadada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa ka dhaca qaraxyada ay Dhulka ku aasaan dagaalamayaasha Shabaab oo muddooyinkii danbe si weyn u soo batay, kuwaasoo khasaare lagu gaarsiiyo Gawaarida Ciidamada dowlada.