Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in koox hubaysan ay magaalada ku dileen laba askari oo ka tirsanaa Ciidamada Canshuuraha Boosaaso.
Dilka labada askari oo ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso ayaa loo fuliyey qaab qorsheysan, iyadoo ay baxsadeen raggii falkaasi geystay, waxaana halkaasi tegay daqiiqado kadib ciidamada Booliska magaalada Boosaaso.
Dilka ayaa ka dhacay goob mashquul badan oo dad badan ku usgnaayeen, waxaana meydka labada askari la geeyay Isbitaalka Magaalada Boosaaso, halkaas oo ay tageen ehelada dad ka shaqeeya Canshuuraha.
Magaalada Boosaaso ayaa ka mida magaalooyinka waaweyn ee falalka khaarijinta ah ay ka dhacaan. Weerarkan waxaa sheegatay kooxda Alshabaab.