Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Maanta xukun Dil toogasho ah ku riday Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda oo Askari kale ku dilay Magalada Muqdisho.
Askariga dilka lagu xukumay ayaa lagu magacaabaa Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen, kaso si bareer ah u dilau askari kale oo lagu magacaabi jiray Ex. Dalbe Boolis Jamaal Abuukar Jiinow, wuxuuna dilka ka dhacay degmada Waaberi markii taariikhdu ahayd 22-kii March, 2019 kadib markii uu ka hor istaagay fal dhac ah oo uu u geysan lahaa dad shacab ah.
Laba Xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ku xigeen Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa fadhiga Maxkamadda ka hor aqriyay Qiraalka eedeysanaha uu ka qoray Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida kaas oo uu eedeysanaha ku cadeystay in xilliya kala duwan uu dhac ka geystay degmada Waabari, waxa ay sidoo kale fadhiga Maxkamadda xafiiska Xeer Ilaalinta horkeeneen Dhibane uu eedeysanaha ka qaatay Teleefoonkiisa gacanta.
Cadeymaha kale ee la horkeenay Maxkamadda waxaa kamid ah Qorigii uu dhacca ku geystay oo nuuciisu ahaa AK-47, Sawirka Marxuumka iyo Warqadda dhakhtarka ee cadeynta Dhimashada.
Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday go’aanka dilka toogashada ah ee Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen oo ah qisaasta Ex Dable Boliis Jamal Abuukar Jiinow, waxaana sidaas ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo sheeay in Go’aanka Maxkamadda uu ka furan rafcaan ku eg 30-cisho xukunka Kadib.