Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa xukun dil ah maanta ku riday Eedeysane Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali xukun dil toogasho ah, tasoo ah qisaasta Marxuum Maxamed Ismaaciil Qaboobe.
Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xuseen Maxamed oo kamida Garsoorayaasha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali loo heystay dilka Maxamed Ismaaciil Qaboobe oo ahaa darawale Gaari dadweyne (BL), kadib markii uu toogasho ku dilay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, gaar ahaan Siinka Dheer iyo dhaawaca qof rayid ah oo kamid ah rakaabkii gaariga, dilkaas oo dhacay 06-01-2019.
22-kii bishan ayaa loo fariistay dhageysiga eedda ka dhanka ah eedeysane Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali, waxaana ay xafiiska Xeer Ilaalintu Maxkamadda horkeeneen Qiraalka Eedeysanaha iyo dhibane kamid ah rakaabkii gaariga saarnaa oo qeybo jirkiisa kamida uu dareenkii ka tegay dhaawicii gaaray dartiis,
Eedeysanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Racfaan hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabaka Sida