Askari ka tirsan ciidamada AMISOM ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa kua kacay arrin la yaab leh kadib markii lagu wargeliyay in xilligii uu shaqada u joogay Soomaaliya ay dhammaatay oo lagu celinayo dalkiisa.
Askarigan oo darawal ka ahaa mid ka mida gawaarida gaashaaman ee ciidamada AMISOM ayaa si caro leh ugu jiiray dhagax weyn oo ka mida kuwa yaalla albaabka Madaxtooyada Soomaaliya isagoo waxyeelo gaarsiiyay Gaariga.
Wararka ayaa sheegaya in askarigu ka careysnaa in shaqadiisii Soomaaliya ay ka dhamaato, taasoo keentay inuu cabasho darteed tallaabdan yaabka ah ugu dhaqaaqo, waxaana markii danbe la qabtay askariga oo la sheegay in al xiray.
Ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya ayaa qaata mushaar ka badan $1000, waxayna joogitaankooda Soomaaliya u arkaan fursad weyn oo nololeed, iyadoo askarigii ku dhaawacma uu helayo 50,000 Doolar.