Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dil naxdin leh oo ka dhacay xaafadda Xoosh, degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.
Askari ka tirsan ciidamad dowladda ayaa toogasho ku dilay Hooyo Faadumo Cali Cismaan oo ku magac dheer (Faay Beeso), kadib markii iyadoo dacwdo ka ah askariga oo ay deris ahaayeen ay damacday inay ku dacweyso taliyihiisa.
Askariga oo baxsaday markii uu dilka geystay ayaa caruurteeda qaar ka mida qori ku qabtay, sida ay sheegeen dadka deriska la ahaa, waxayna ka dalbatay inuu falkaasi ka joojiyo, markii uu ka dhega adeygay ayay isku dayday inay arrintaas uga dacwooto sarkaal uu ilaalo u ahaa, laakiin askariga ayaa rasaas badan ah ku furay, waxaana dhaawac ahaan looga qaaday goobta, iyadoo markii danbe u geeriyootay.
Hooyo Faadumo Cali Cusmaan ayaa gacanta ku heysay 9 caruur ah oo agoon ah, waxayna u dhimatay dhaawac ka soo saaray caloosha, laabta iyo qaarka hoose, iyadoo dilkeeda ay si weyn uga xumaadeen dadka degaanka.
Qoyska marxuumadda ayaa dowladda ka dalbatay inay askariga dilka geystay ee baxsadka ah cadaaladda la hor keeno. Falkan ayaa noqonaya kii ugu danbeeyay ee falal naxdin leh oo mudooyinkan danbe ka dhacayey caasimadda Muqdisho.
