Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in askari ka tirsan ciidamada dowladda uu toogasho ku dilay haweeney Soomaaliyeed oo saarneyd Mooto Bajaaj laguna magacaabi jiray Xaawa Sheekhow.
Arrintan ayaa ka dhacay Isgoyska Howlwadaag Barqanimadii maanta, kadib markii askariga oo ka tirsanaa ciidamada booliska uu rasaas furay xilli Mooto ay la socotay haweeneyda Xaawo Sheekhow Faarax oo ahayd hooyo dhashay 8 caruur ah ay mareysay Isgoyska H/wadaag, waxaaa haleeshay rasaasta, iyadoo haweeneyda ay goobta ku geeriyootay.
Wiil ay dhashay haweeneyda oo lagu magacaabo C/karii Nuur Xalane ayaa shgeegay in askarigii dilay hooyadii uu baxsaday markii uu hubsaday inay geeriyootay, wuxuuna intaas ku daray in isbitaal ay kasoo laabatay, kuna soo socotay gurigeeda.
Ciidamada dowladda ee wadooyinka taagan ayaa rasaas aan loo meel dayin ku fura gaadiidka, siiba Mooto bajaajta oo dad fara badan lagu dilo.