Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska lagu dilay degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.
Dilka Askariga ayaa ka dhacay gudaha masjid ku yaalla Agagaarka Ceelgaabta, gaar ahaan barxadda Biyaaso Liibaro, waxaana nin hubeysan uu toogasho ku dilay askariga oo la sheegay inuu salaad ku jiray, isla markaana u taagnaa rakcadii ugu dambeysay ee Salaadda Cishaha ee Caawa.
Dadka ku jiray Masjidka ayaa argagax ka qaaday falka ka dhex dhacay masjidka, waxaana dhaawac kasoo gaaray qof kale oo sahcab ah rasaastii lagu furay askariga, markaas kadibna waxaa goobta ka baxsaday ninkii falka geystay iyo mid kale oo la socday iyagoo hore u qaatay Qorigii uu watay Askariga.
Waxaa markii danbe goobta soo gaaray Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya, iyadoo aanay u suuragelin inay soo qabtaan dableydii falkaasi geysatay.ka