Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada nabadgelyada loo geystay dil bareer ah oo uu fuliyey askari kale.
Askariga dilka geystay ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada Nabadsuggida, kaasoo si bareer ah u toogtay askariga traafikada ah ee ka tirsanaa Ciidamada Ilaalada Wadooyinka, waxaana dilkan uu ka dhacay degmada Hodon, xilli askariga taraafikada ah uu uu ku howlanaa shaqadiisa kala hagidda baabuurta.
Ciidamada Ammaanka ayaa soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana ay gacanta ku dhigeen Askarigii dilka geystay, iyadoo xabsiga loo taxaabay, waxaana dhinac kale meydka askariga la dilay la geeyay xarunta denbi baarista CID-da.