Wararka laga helayo magaalada Muqdisho aya sheegay in koox hubeysan ay dil khaarijin ah ka geysatay magaalada Muqdisho.
Dilka ayaa la dhacay Isgoyska Siinaay ee degmooyinka Wardhiigley iyo Boondheere, waxayna laba nin oo dabley ah ay toogasho ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska oo halkaasi ku sugnaa, iyadoo kadibna halkaasi ka baxsaday markii ay qaateen qori uu heystay dharaar cad.
Wararka ayaa sheegay in ciidamada amniga ay goobtaasi xireen dilka kadib, inkastoo aan lagu guuleysan in la soo qabto kooxdii ka danbeysay dilka askariga.