Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya uu qof shacab ah toogasho ku dilay.
Askarigan oo ka tirsanCiidamada Xooga Soomaaliya ee ay tababarreen Imaaraadka Carabta ayaa falka dilka ah ka geystay Isgoyska Kuliyada Jaala Siyaad wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho, isagoo isku dayey inuu baxsado.
Dadkad degaanka ayaa sheegay in Ciidamada Milateriga ay gacanta ku dhigeen askarigii dilka geystay, waxaana isaga iyo meydka qofkii shacbka ahaa ee uu dilay la geeyay Xarunta dambi baarista ee CID-da.
Falkan ayaa yimid kadib markii Gaari BL ah nooca HOMEY ah uu istaagay albaabka hore ee xarun Ciidamada Xooga dalka oo askarigani ku sugnaa, iyadoo uu rasaas ku furay gaariga taasoo keentay in qof gooba ka dhowaa uu ku dhinto.